Madaxweyne Biixi oo Furay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo Hargeysa ka Bilaabmay

MADAXWEYNE BIIXI OO LAADAY KUBADDA BILAWGA TARTANKA GOBOLLADA SOMALILAND 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAADAY KUBADDA BILAWGA TARTANKA GOBOLLADA SOMALILAND 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gelinkii dambe ee maanta furay tartanka Koobka ciyaaraha gobollada dalka, kaasoo si rasmi ah uga bilaabmay garoonka Kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

MADAXWEYNE BIIXI OO LAADAY KUBADDA BILAWGA TARTANKA GOBOLLADA SOMALILAND 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAADAY KUBADDA BILAWGA TARTANKA GOBOLLADA SOMALILAND 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey jewiga tartanka gobolladu ku furmay iyo hadal ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Isboortiga Somaliland ka jeediyeen, waxaanu warkaas oo nuqul  ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, u dhignaa sidatan:-

“Munaasibad kooban oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, islamarkaana lagu daah-furayey tartanka koobka gobollada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, wufuud ka kala socota dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya oo wasiirradooda ciyaaruhu hormuud u yihiin, saraakiil ka socota guddida caalamiga ah ee Olombikada (Olympic),  ciyaaroyga kubbadda cagta ee gobollada kala duwan ee dalka iyo maamulkooda, marti-sharaf kale iyo kumannaan katirsan taageerayaasha kubbadda cagta ee gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta ciyaartooda tartanka lagu furay.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed oo munaasibadda furitaanka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan u galeen sidii uu tartankani u qabsoomi lahaa, isaga oo sidoo kale madaxweynahana ugaga mahadnaqay taageerada iyo gacanta uu ka geystay sidii uu tartankani u qaybsami lahaa, waxana uu bahda ciyaaraha ku lugta leh iyo dhallinyarada gobollada ka socota usoo jeediyey inay soo bandhigaan ciyaaro hufan oo ilbaxnimo ku dheehan tahay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bahda ciyaaraha ku ammaanay nidaamka ay usoo qaban-qaabiyeen ciyaaraha gobollada, isaga oo sidoo kalena dhammaanba taliyayaasha kala duwan ee ciidamada ammaankana ku ammaanay sida ay amniga u sugeen ee u suurogeliyeen in jawi nabdoon ay ciyaaruhu ku qabsoomaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda furitaanka tartanka koobka gobollada ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in ciyaaraha gobollada dalku si nabad ah u qabsoomaan, waxana uu ammaanay cid kasta oo qayb ka ah inuu tartankani suurogalo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa farxad inoo ah inaynu isugu nimaadno xafladda furitaanka ciyaaraha gobollada, waana Ilaahay mahaddii Somaliland oo nabad ah, iskeed wax u qabsatay, heerkaas gaadhay in dhallinyaradeedii oo dhan iyo gobolladii ku ciyaaraan si ammaan, nabadgelyo iyo xornimo ah.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kubbadda bilaabashada koobka tartanka gobollada u laaday kooxaha gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta tartanka lagu furay, waxana ay ciyaartaasi ku dhammaatay Gool iyo Gool ay labada kooxood isla dhaafi waayeen.” sidaa ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee Madaxtooyada Somaliland naga soo gaadhay.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka furitaanka tartanka gobollada:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.