Madaxweynaha Somaliland oo Digniin adag iyo Eedayn Culus u jeediyey Qaramada Midoobay & Soomaaliya

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo  qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada, isla markaana waxa uu Wakiilka Xoghayaha guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeelleeyo ixtiraamka ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyey Shirka 7-aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka qabsoomay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa duray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, kaas oo uu tilmaamay in madaxtooyada Villa Somalia wax looga yeedhiyo.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku daray; “Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada. “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.