Muddaharaad ka dhan ah Dhaqan-xumada Madaxweynaha Faransiiska oo Somaliland ka dhacay

Burco(aftahannews):- Muddaharaad lagaga soo horjeedo Faransiiska, ayaa Boqolaal Dadweyne ahi ka sameeyeen waddooyinka xarunta gobolka Togdheer ee Burco ee dalka Somaliland. Waxaanay Dadka muddaharaadka ka qaybgalay oo qaarkood ganacsato ahaayeen sheegeeni inay joojinayaan iibinta iyo keenista badeecadaha udugga iyo giriimada laysku qurxiyo u badan.

Muddaharaadka ka dhacay magaalada Burco Salaasadii maanta, ayey Dadweynuhu kaga soo horjeedeen hadallada Islaam-nacaybka ah ee dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo Nin Macallin ahi Ardaydiisa tusay, ka dibna Nin Islaam ahi ku dilay duleedka magaalada Paris ee xarunta Faransiiska.

Dadka muddaharaadka ka sameeyey Burco, waxay gubeen calanka Faransiiska iyo sidoo kale Sawirrada Madaxweynaha dalka Faransiiska, isla markaana waxay ku dhawaaqayeen hadallo ay ku cambaareynayaan Dawladda Faransiiska, kuna muujinayaan dhaqan-xumada Madaxweynahoodu sameeyey, waxaana hadalladooda ka mid ahaa; “Faransiisku ha dhaco, ha dhaco…” 

“Waxaannu go’aansannay haddii aannu naha ganacsatada in aan joojinno iibka iyo keenista baddeecadaha dalka Faransiiska aannu ka keeni jirnay…” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Dadka muddaharaadka ka sameeyey Burco oo ka mid ah Ganacsatada magaaladaas.

Mudaharaadeyaasha, ayaa sidoo kale farriin u diray madaxda dawladdaha caalamka waxaanay ka dalbadeen in ay jawaab cad ka bixiyaan hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Faransiiska.

“Waxaan leenahay madaxda caalamka Islaamka waa in ay jawaab cad ka bixiyaan sida uu uga hadlay Ordogan oo kale.” ayuu yidhi Nin kale oo ka tirsanaa dibad-baxayaasha hadlay.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Muddaharaadka Burco:-

Alaabooyinka Faransiiska, ayaa laga saaray Dukaamo ku yaal Waddamada Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ahina ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.

Fal-celinta amma jawaabtan adag ee Faransiisku la kulmay, ayaa waxay salka ku haysaa faallooyin uu bixiyay Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku jirtay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Macallinka la dilay oo la odhan jiray Samuel Paty sabab gaar ah, waxaanu yidhi; “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan mustaqbalkeenna. Laakiin, Faransiisku kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Taageeradaha Madaxweynaha Faransiisku u muujiyey ninka la dilay ee Nebi Muxamed sawirrada laga sameeyey soo bandhigay, ayaa sabay inay dalalka Islaamku aad uga xamaadaan, isla markaana waxay qaarkood qaadeen tallaabooyin ay kaga soo horjeedaan arrintaas.

Dalal badan oo Islaam ah, ayaa laga joojiyey iibinta alaabooyinka Faransiiska uga yimaadda. Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee giriimada iyo agabka udugga. Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta Tafaariiqda, ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

Hase-yeeshee, Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska oo Isniintii shalay War-saxaafadeed soo saartay, ayaa ku andacootay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad ay ugu yeedhay xagjir kooban.

Baaqa Dowladda Faransiiska ka soo yeedhaya, ayaa muujinaya culayska iyo cadaadiska durba soo food-saaray alaabooyinka Faransiiska ee la geeyo Dalalka Islaamka, waana tallaabo uu ku garawsan karo Madaxweynaha Faransiisku gefka iyo qaladka uu sida badheedhka ah ugu kacay ee ka dhanka ah Islaamka iyo Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Maaha markii ugu horreysay ee Faransiiska lagu dilo Dad Nebi Muxamed Sawirro lagu aflagaaddeynayo soo badhiga amma baahiya, balse waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Faransiiska xukumaa sidan qaawan ee badheedhka ah u taageero aflagaaddaynta Nebi Muxamed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.