Roobab cabsi abuuray oo illaa shalay ka da’aya Somaliland

Somaliland(Aftahannews):- Inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, ayaa Roobab tumay u badan oo qabaw wataa tan iyo shalay subaxnimadii ku fadhiyaan, kuwaasoo illaa hadda oo maalintii labaad ah da’aya oo aan kala go’ iyo qaadi-taan toona lagu arag, isla markaan dhulka si fiican u biyo-mariyey.

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa shalay subaxdii uu ka curtay Roobkaaso oo illaa maanta maalintii labaad iyo caawa oo ah habeenkii labaad da’aya, qabaw badanna ay dadku dareemeen, inkasta oo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, haddana waxay Weriyeyaashu ku soo warramayaan in dadka qaarkood ay cabsi dareemeen, maaddaama oo la sii saadaaliyey inay Roobabkaas oo ka soo bilaabmay Xeebaha Bariga Soomaaliya ee Puntland, khasaare badan oo nafeed iyo maalba dhaliyey ay ku fidayaan Somaliland iyo Bariga Itoobiya, isla markaana khatar badan yeelan doonaan Illaahay ha innaga salaamad-yeele’e.

Magaalada Berbera ayaa cabsi awgeed maanta gelinkii hore illaa caawa la damiyey Korontada magaaladaas oo guud ahaan caawa fiidkii hore madoobayd, maantana aan wax laydh ah helin, ka dib markii laga cabsooday haddii Roobku dabayl keeno inuu dabku halis gelin karo bulshada magaalada. Kaasoo caawa mar la yara shiday, haddana la damiyey sida ay Aftahannews u sheegeen dad ku sugan magaalada Berbera.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayuu sidoo kale Roobkaasi ka curtay shalay Barqadii, kaasoo illaa hadda da’aya qabaw badanna lahaa. Sidoo kale, magaalada Xeebta ah ee Saylac ee Galbeedka Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa in Roobkaasi saacado badan ka da’ayey, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay.

Roobabka Mahiigaanka ah oo sababay barakac iyo cabsi ka jirta deegaannada qaar ayaa maalintii saddexaad ka da’aya qeybo ka mid ah gobolka Sool. Waxa lagu soo warramay in roobabku aanay geysan khasaare la og yahay, hase yeeshee ay jirto cabsi ku aaddan waxyeello ka iman karta haddii ay sii socdaan ama ay yeeshaan dabaylo.

Deegaannada miyiga qaarkood oo u badan dooxooyinka iyo meelaha kale ee jooggoodu hooseeyo ayaa lagu soo warramayaa in ay dadku ka barakacayaan, si ay uga badbaadaan daadadka iyo dabaylaha laga baqayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aan war rasmi ah laga hayn deegaannada miyiga qaarkood, ayna Roobabka iyo cabsiduba sii xoogaysanayaan. Hase-yeeshee, magaalada Berbera lama sheegin cid uu barakac ku keenay Roobkaasi, balse cabsi ayaa jirtay.

Intaas oo keliya kuma koobna ee gobollada iyo magaalooyinka kale ee Somaliland sida Boorama, Burco iyo meelo kale oo badan ayuu Roobkan qabawga wataa si aan kala joogsi lahayn uga da’ayaa illaa shalay, inkasta oo aanay illaa hadda jirin wax khasaare ah oo la soo sheegay inay dhaliyeen Roobabkaasi.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.