Maxaabiis iyo Askar ku eedaysnaa Weerarkii Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo la Xukumay

GARSOORAHA MAXKAMADDA Ciidammada SOOMAALIYA 2020.jpg
GARSOORAHA MAXKAMADDA Ciidammada Somalia 2020.jpg
Muqdisho(Aftahannews):- Maxkamadda Ciidammada qalabka ee Soomaaliya, ayaa xukunno ku ridday 11-Eedeysane oo isugu jiro Askar ka tirsan Ciidammada Asluubta, Xunkusanayaal iyo Garsugayaal lagu eedeeyey, isla markaana Maxkamaddu sheegtay inay ku heshay dembi ah inay ku lug lahaayeen weerarkii xabsiga dhexe ee Muqdisho ka dhacay 10-ka bishii Ogosto ee 2020.
GARSOORAHA MAXKAMADDA Ciidammada SOOMAALIYA 2020.jpg
GARSOORAHA MAXKAMADDA Ciidammada Somalia 2020.jpg
Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayay maxkamadu sheegtay inuu Gacanta hore weerarka, wuxuu Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse. Maxaabiista Maxkamaddu xukuntay maanta, ayaa markii weerarkaasi yimi ka dib ka baxsaday Xabsiga, iyaga oo ka daatay derbiga dambe ee dhismaha Xabsiga.
Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha ayay maxkamadu sheegtay inuu qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta. Laakiin, mid ka mid ah Raggii qorsheeyay weerarka uu soo dhex mariyey Hubkiisa.Baadhitaanno muddo qaatay ka dib, Axaddii Maanta ayay Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana la xukumay dhammaan dadkii ku eedaysnaa inay ku lug lahaayeen weerarkaas. kuwaas oo kala ah xubnahan hoos ku qoran oo qaarkood maqanayaal yihiin, waxaanay u dhignaayeen xukunkaas iyo xubnaha lagu riday-ba sidatan:-

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan.

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta, ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah. 6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey, 8-Maxamed Maxamuud Mataan, 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11-Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday.

Weerarkaas lagu qaaday Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, waxa ku dhintay in ka badan 15 Qof  oo intooda badan ahaa Maxaabiis ay u suurtogashay inay gacantooda galaan hubka ay ku dagaalleen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.