Somalia: Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad ah ku Ansixiyey Golaha Xukuumadda Raysal-wasaare Rooble

XILDHIBAANNADA GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO XUKUUMADDA ROOBLE ANSIXIYEY 2020
XILDHIBAANNADA GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO XUKUUMADDA ROOBLE ANSIXIYEY 2020

Muqdisho(aftahannews):- Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal-wasaaraha federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

XILDHIBAANNADA GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO XUKUUMADDA ROOBLE ANSIXIYEY 2020
XILDHIBAANNADA GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO XUKUUMADDA ROOBLE ANSIXIYEY 2020
GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA RAYSAL-WASAARE ROOBLE 2020
GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA RAYSAL-WASAARE ROOBLE 2020

188 Xildhibaan, ayaa ka soo xaadiray fadhiga Golaha ee Sabtidii maanta qabsoomay, waxaanay dhammaan kalsoonida siiyeen oo ay oggolaadeen golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Rooble, kuwaas oo markii la ansixiyey ka dibba isla golaha dhexdiisa loogu dhaariyey xilka.

RAYSAL-WASAARE MAXAMED XUSEEN ROOBLE OO BAARLAMAANKA GEEYEY GOLAHA WASIIRRADA 2020
RAYSAL-WASAARE MAXAMED XUSEEN ROOBLE OO BAARLAMAANKA GEEYEY GOLAHA WASIIRRADA 2020

Ra’iisal-wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka isla maanta, ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaannada codka kalsoonida ee ay siiyeen Xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada ee la ansixiyey in ay gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo ansixinta ka hor Baarlamaanka uga warramay qorshaha xukuumaddiisa iyo hawlaha hor-yaalla, ayaa sheegay in muddada gaaban ee ay jirayso Xukuumaddiisu ka shaqeyn doonaan qodobbo ay ka mid yihiin socodsiinta howlaha doorashada; sida dhismaha guddiyadii ka shaqeyn lahaa arrintan iyo nabad-galyada goobaha doorashada lagu qabanayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa cusubi, diirada saari doonto cudurka safmarka ah ee Covid-19, ballaadhinta adeegyada bulshada, dowlad-wanaag iyo Cadaalad. Waxa uu si gaar ah u xusay in xukuumaddiisa ay isha ku heyn doonto, isla markaana mudnaan gaar ah siin doonto xuquuqda Haweenka iyo carruurta, iyaga oo arrintan kala shaqeyn doona hay’adaha ku howlan.

Golaha Wasiirrada Raysal-wasaare Rooble soo xulay ee maanta la ansixiyey, ayaa ka kooban 70 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigaanno iyo Wasiiru-dowlayaal, kuwaas oo intooda badan ka yimid Golaha Shacabka, waxaana si weyn xukuumaddan uga dhax muuqda Wasiirrada Xukuumada Ra’iisal-wasaare Xasan Ali Khayre oo dabayaaqada bishii Julay kalsoonida kala noqdeen badi xildhibaannada golaha agala Shacabku, ka dib markii ay Madaxweyne Farmaajo siyaasad ahaan isu qabteen Raysal-wasaare Xasan Khayre.

Haddaba, sidii ay Mudanayaasha u ansixiyeen golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.