Dood adag oo dhex-martay Donald Trump iyo Joe Biden & Weedhihii ugu Kululaa ee ay is-weydaarsadeen

Donald Trumo iyo Joe Biden dood adag 2020
Donald Trumo iyo Joe Biden dood adag 2020

Washington(aftahannews):- Microphone-kii la xirayay, ama hanjabaadii aheyd in la xidhi doono, ayaa u muuqanaysay inay shaqaysay. Dooddii labaad ee madaxtinimada, ayaa musharrixiinta Donald Trump iyo Joe Biden waxa ay ahaayeen kuwo aad isu qabanaya, umana qas iyo buuq badneen sidii tii hore.

Donald Trumo iyo Joe Biden dood adag 2020
Donald Trumo iyo Joe Biden dood adag 2020

Musharraxiinta ayaa midba midka kale u ogolaa inuu hadlo. Waxa ay adeegsanayeen hab uu ixtiraam ku jiro, xitaa marka ay isweerrarayaan waxa ay isku galayeen si deggan balse cad.

Kaddib dooddii koobaad oo uu buuq hareeyay, markaas oo Donald Trump uu haddba hadalka ka soo dhexgalayay ninka ay doodayaan ayaa waxaa laga yaabaa in middaas ay taageero ka weecisay markii la fiiriyo aaraa’dii markaas kaddib la qaaday, madaxweynaha ayaa si la dareemi karo codkiisa hoos ugu dhigayay, taasna waxa ay ka dhigtay mid dooddiisa bannaanka soo dhigan kara.

Markan, waxa ay ku hadlayeen musharraxiinta ayey suuragal tahay inay noqoto waxa dadka Mareykanka ay ka xusuusan doonaan doodda, ee ma ahan qaabka isku dhexyaaca ahaa ee loo soo jeediyay.

Ugu dambayntii dooddii koobaad ee buuqa badneyd ayey u badan tahay in lagu xusi doono buugaagta taariikhda. Iyadoo aaraa’da la uruuriyay ay muujinayso in inta badan dadka Mareykanka ay go’aan ka gaareen cidda ay u codaynayaan – oo misana in ka badan 45 milyan oo qof ay codkooda hore u dhiibteen – ayaa waxa ay u muuqataa fursadda saameyn wayn ay dooddii xalay reebto ay tahay mid aad u yar.

Covid-19 ayaa gorodda la iskula galay

Kooxda u ololaynaysa Trump ayaa waxa ay ka cawdeen in dooddan ay aheyd in diiradda lagu saaro siyaasadda arrimaha dibadda – malaha si uu madaxweynaha u helo fursad uu ku soo bandhigo guulaha uu ka gaaray Bariga Dhexe, ganacsiga iyo Suuriya, kaddibna uu Biden ku dabadhigto xiriirka ganacsi ee uu wiilkiisa la leeyahay Shiinaha.

Taa badelkeeda, doodda, sida kuwii ka horreeyay, waxa ay ku bilaabatay fayraska safmarka ah ee korona – kaas oo sida ay aaraa’da muujiyeen ah mowduuc ay dadweynaha Mareykanka danaynayaan.

Donald Trump, ayaa markale soo hadalqaaday arrinta tallaalka isagoo sheegay inuu diyaar ku noqon doon “todobaadyo gudahii”. Waxa uu laf ahaantiisa qiray awoodda dawooyinka cusub ee lagu daweeyo cudurka isagoo ku faanay in haatan uu “difaac” jireed leeyahay.

Biden, ayaa si aan layaab lahayn, waxa uu u weerraray Trump. Waxa uu tilmaamay in Trump uu si joogta ah u ballanqaaday in cudurka uu iskii u dhammaan doono. Waxa uu sheegay in 220,000 oo qof oo Ameerikaan ah ay cudurka u dhinteen suuragalna ay tahay in 200,000 oo kale ay dhintaan markii uu sanadka dhammaado.

Kaddib markii ay hadalka isku celceliyeen, ayuu Trump ku soo bandhigay rajo ah in xaaladdu ay ka soo rayn doonto oo ganacsiyada iyo iskuulladana dib loo furi doono. Mar uu Trump sheegay in dadku ay “baranayaan sida loola noolaado” cudurka, Biden ayaa arrintaas markiiba la booday.

“Dadku waxay baranayaan sidii ay cudurkaas ula noolaan lahaayeen?” ayuu waydiiyay. “Dadku waxay ogaanayaan in cudurkaas ay u dhimanayaan.”

Mar, ayuu Trump soo bandhigay jawaab aheyd “maynu howshan ka gudubno”. Taas oo ah in madaxweynuhu uu si cad u doonayay in mowduuc kale la galo.

Doodda lama dhaafaanka aheyd ee Hunter Biden

Donald Trump ayaa hore u sheegay in wiilka Biden ee Hunter uu mowduuc uga dhigi doono doodda, waqti badanna kuma aanay qaadan in madaxweynuhu uu doodda soo galiyo qoyska madaxweyne ku xigeenkii hore.

Waxa uu ku andacooday in Biden uu shakhsiyan ka faa’iiday heshiisyada ganacsi ee wiilkiisa uu la galay Ukraine iyo Shiinaha, isagoo soo hadalqaaday warar xog la sheegay in laga helay kumbuyuurta laptop-ka ee Hunter Biden.

Difaaca Biden ayaa ahaa diidmo cad, iyo inuu mowduuca u badelo canshuurta Trump iyo xiriirka ganacsi ee uu Shiinaha la leeyahay.

Arrintaas oo madaxweynaha ku qasabtay inuu waqi ku qaato sharaxaadda sida uu dhab ahaantii “u bixiyay” malaayiin doolar oo canshuur ah iyo inuu sheegay in maalin uun uu shaacin doono warqadda canshuurta uu ku celiyo.

Doodda dhinaca socdaalka

Afar sanadood ka hor, Trump ayaa waxa uu soo bandhigay siyaasad adag oo socdaalka ah markaas oo uu u ordayay tigidhka Xisbiga Jamhuuriga, iyo ugu dambayn, Aqalka Cad. Markii mowduucaas xalay la gudagalay ayaa si kasta oo uu xaalku noqdaba, waxa uu Trump iskudayay inuu hoos u dhigo tallaabooyinkii cuslaa ee uu qaaday intii uu xafiiska hayay.

Tusaale ahaan, markii wax laga waydiiyay siyaasadda uu maamulkiisa ku kala soocay carruurta iyo waalidiintood aanan sharciga haysan, Trump ayaa iskudayay inuu sheekada u weeciyo goobaha dadka lagu hayo, taas oo uu ku tilmaamay “qafis” uu sameeyay maamulkii Obama oo uu ku hayay carruur yaryar oo aanay cidina la socon.

Biden oo arrintaas aad uga carooday, ayaa hoosta ka xariiqay in carruurta uu Trump xiray ay waalidiintood la yimaadeen, siyaasaddaasna ay Mareykanka “sumcaddii ka dishay”.

Codbixyayaal badan oo Ameerikaan ah, ayaa codka carruurta waalidiintood laga kaxaystay ee ooyaya ay weli u tahay wax aanan maskaxdooda ka go’in.

Jawaabta Trump ayaa aheyd in carruurtaasi “si wanaagsan loogu xanaaneeyay, xarumo nadiif ah” arrintaas oo dooddiisa aanan xoojin.

Trump oo ku soo labakacleeyay arrinta cadaaladda falal dambiyeedka

Dooddii koobaad ee madaxtinimada, Trump ayaa baxar isgaliyay markii mowduuca uu isu badelay xiriirka midabka, isagoo ku dulwareegtay inuu toos u cambaareeyo kooxaha ay caddaanimada ku wayn tahay. Markanse, madaxweynuhu waxa uu u muuqanayay mid uruursan.

Waxa uu ku faanay isbadelka labada xisbi ay ka wadaqeybqaateen ee cadaaladda falal dambiyeedka iyo weliba dhaqaalaha taariikhiga ah ee uu siiyay koleejyada ay u badan yihiin dadka madowga ah.

Waxa uu Biden ku weerraray maalgelintiisii sharciga dambiyada ee 1990-meeyadii, aarintaas oo horseedday in ay aad sare ugu kacaan.

Biden markii uu bilaabay inuu ka hadlo qorshihiisa wax lagu badelayo, ayuu Trump oo aad mooddo inuu si quwad badan u hadlayo, waxa uu su’aal galiyay sababta madaxweyne kuxigeenkii hore uusan wax badan u qaban markii uu ka hoos shaqeynayay madaxweyne Barack Obama.

“Waa uun hadal waxa ay siyaasiyiintaan hayaan ee ficil ma jiro,” Trump ayaa yiri. “Maxaadan howshaas u qaban? Sideed sanadood ayaad haysatayee.”

Xigasho BBCSomali.com.