Maxaa laga ogaaday Wiilka Gawracay Macallinkii Sawir-gacmeedka ka sameeyey Nebi Muxamed (NNKH)?

YAA GAWRAcAY MAcALLINKII NEBI MUXAMED SAWIRKA KA SAMEEYEY 2020
YAA GAWRAcAY MAcALLINKII NEBI MUXAMED SAWIRKA KA SAMEEYEY 2020

Paris(aftahannews):- Faah-faahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxeysa dil gowrac ah oo magaalo ku dhow magaalada Paris loogu geystay Macallin Dugsi oo sawir gacmeed ka sameeyey Nebi Muxamed nabadgelyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (NNKH).

YAA GAWRAcAY MAcALLINKII NEBI MUXAMED SAWIRKA KA SAMEEYEY 2020
YAA GAWRAcAY MAcALLINKII NEBI MUXAMED SAWIRKA KA SAMEEYEY 2020

Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa gowracay wiil 18 jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska. Afhayeen u hadlay Safaaradda Ruushka ee magaalada Paris, Sergei Parinov ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Abdullakh Anzorov.

Abdullakh Anzorov ayaa Faransiiska yimid 12 sano ka hor, markaasi oo uu ahaa 6 sano jiray islamarkaana qoyskiisa ay codsadeen magan-galyo, sida uu sheegay afhayeenka. Waxa uu intaas ku daray in Abdullakh uu deganaansho helay sanadkan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wiilkaas uusan wax xiriir ah la lahayn safaaradda Ruushka. “Muhiimadda ma ahan halka uu ku dhashay qofkan, balse waa waa goorta iyo sababta uu u qaatay fikradaha argagixisada,” ayuu yiri.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Abdullakh weerarka fuliyey uu doonayey inuu macallinka ku ciqaabo inuu sawir gacmeed loola jeedo Nebi Muxamed NNKH tusay ardaydiisa.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale xiray laba nin oo mid canugiisa uu dhigto iskuulka, kan kalena ay isha ku hayeen sirdoonka, kuwaasi oo la sheegay inay baraha bulshada ka billaabeen olole ka dhan ah macallinka la gowracay.

Tan iyo horraantii bishan October ayaa la sheegay in baraha bulshada uu ka socday olole ka dhan ah macallinka sameeyey sawir gacmeedka, islamarkaana waalidiin badan oo Muslimiin ah ay uga soo dacwoodeen Iskuulka.

Ma aheyn markii koowaad ee Samuel Paty uu ardaydiisa tuso sawir gacmeedka rasuulka NNKH, waxaana la sheegay in sidoo kale uu sidaas sameeyey sanadkii tegay, sida laga soo xigtay mid ka mid ah ardaydiisa oo 13 jir ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuulka ayaa isku dayey inay xaliyaan muranka arrintan ka dhashay, waxayna u yeereen waalidiinta Muslimiinta ah, hase yeeshee waxay sheegeen inaysan kulanka iman.

Samuel Paty ayaa ugu dambeyn la dilay Jimcihii, kadib markii uu soo weeraray wiilka 18 jirka ah, kaasi oo mindi ku dhuftay kadibna gowracay.

Xigasho VOA/AP iyo AFP.