Ambassador Swan & Ra’iisal-wasaare Rooble Maxay kaga Wadahadleen Kulankooda Muqdisho?

SWAN IYO ROOBLE Kulankooda Muqdisho 2020.jpg
SWAN IYO ROOBLE Kulankooda Muqdisho 2020.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Raysal-wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Iyo Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho.

SWAN IYO ROOBLE Kulankooda Muqdisho 2020.jpg
SWAN IYO ROOBLE Kulankooda Muqdisho 2020.jpg

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta guud leh ee dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha, amniga, nabad-dhisidda iyo Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla soo hadal qaaday Arrimo ku aadan horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay oo si ka  fool-foolka ah u yeeshaan Maxamed Xuseen Rooble iyo James Swan tan iyo markii Rooble loo magacaabay raysal wasaaraha Soomaaliya.