Daawo Qaabka Madaxweynaha Somaliland & Wefti uu Hoggaaminayo loogu soo dhaweeyey Berbera

MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAWEEYEY BERBERA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAWEEYEY BERBERA 2020

Berbera(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaka  ka amba baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan.

MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAWEEYEY BERBERA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAWEEYEY BERBERA 2020

Madaxweynaha iyo weftigiisa,  ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog  ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana  intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka  galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug  ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo  iibiyey.

Maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso.

Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana uu ka warbixiyey ujeeddada uu safarka madaxweynuhu daarran yahay, waxana uu yidhi,“Ujeeddada safarka madaxweynuhu waxa ay daarran tahay inuu xog-ogaal u noqdo xaaladda guud ee gobollada iyo degmooyinka dalka, inuu dardargeliyo shaqooyinka kala duwan ee gobollada ka socdo, islamarkaana uu uu kormeero oo xaqoojiyo mashaariicda horumarineed ee gobollada iyo degmooyinka ka socda.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka soo dhawaynta Madaxweyne Biixi iyo Waftigiisa loogu sameeyey Berbera iyo nawaaxigeeda:-