Dowladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya Maxay kala Saxeexdeen?

ITALY AND SOMALIA SINGED NEW AGREEMENT 2020
ITALY AND SOMALIA SINGED NEW AGREEMENT 2020

Muqdisho(Aftahannews):- Xukuumadaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, ayaa Muqdisho ku kala saxeexday heshiis lagu dhisayo biyo-xidheen loo sameeyo Baladweyne oo uu Webiga dhibaato badan oo soo noqnoqota ku haya Dadka deegaanka.

ITALY AND SOMALIA SINGED NEW AGREEMENT 2020
ITALY AND SOMALIA SINGED NEW AGREEMENT 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Mashruucan, ayaa isugu jira dhisme biyo-xidheen, dayactirka Jiinka iyo kanaallada Wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha Biyaha Webiga Shabeelle oo xilli-roobaadka ku fataha magaalada Beledweyne iyo Beeraleyda ku xeeran.

Saxeexa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa sii-hayaha Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxa Dowladda Soomaaliya u saxeexay sii-hayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Roma uu u saxeexeen Safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan, waxaa ku baxaya kharash dhan Lix Milyan oo Yuuro, waxaanu isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xidheenno, dayactirka kanaallada iyo tayeynta hay’adaha qaabbilsan fatahaadaha, sida ay Masuuliyiintu sheegeen.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkan oo ka soo baxay Xafiiska warbahinta u qaabbilsan Ra’iisal-wasaaraha federaalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.