Ugu horayn Illaahay baa mahad leh, waxa kale oo aan salaan iyo mahadba hawada isna u marinayaa Raysal-wasare ku-xigeenka federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo door muuqda siyaasadda ku lahaa muddadii uu xilkaas hayey.
Kollay qoraalkaygan sabab la aan qalinka uguma qaadannin ee duruuf aan arkayo, ayaa igu kelliftay, waliba anigoo dhiirrigelinaya, dardaaranna u jeedinaya cid kasta oo ay khusayso lug ku leh soo xulista golaha shacabka ee doorashadoodu foodda innagu soo hayso.
Weliba anigoo ifafaalo tusaya guddiyada gaarka ah ee soo xulaya xubnaha doorashada ka qaybgalaya, metelayana Somaliland, waliba anigoo si gaar ula hadlaya Mudane Mahdi oo aan runtii maanta isleeyahay kollay waa cidda ugu waayo-aragsan, uguna firfircoon ee soo xulista xubnahaas Isha ku haynaya.
Haddaba, anigoo kartidaada og Mudane, aaminsanna inaanay waxba ku hoos-marayn maanta haddaynu Soomaali wax la beddelo waxna la saxo inaanad innagu soo celin waxma-tarayaashii kursiga muddada afarta sano ah sida looxa u dul fadhiyey ee meesha ku iimaan beelay iyagoo waxooduba ahaa jiif oo jaq wax ay Soo kordhiyeena qaranka baaxadaas leh aanay jirin balse shaqadoodu ahaa mooshin iyo dhuuni raadis ee mudane anigoo kula dardaarmayaa waxaan kuleeyahay ha noqon.
“Nin dawee la leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Denbi uu badh leeyahay
Isagay u darantoo
Inuu daaro ma oggala.”
Abwaan Gaarriye Illaahay ha u naxariistee.
GUNTII iyo gabagabadii mudane waanu ku kalsoonahay kartidaada ildheernimadaada garaadka rabi kusiiyay iyo feejignaanta kuu khaaska ah ee aad kula socoto dhaqdhaqaaqa iyo geedi socodka golaha Soo socda hana noqdeen xubno firfircoon iyo waddaninnimo ka muuqato, kuwii hore gabi ahaanba iska ilaalinayaa.
Waayo? Waxay tarayaan baa iska yar oo waa dad aynu aragnay waxtarkooda iyo wax yeelladooda, iyagoo waliba ahaa dad badankooda cuqdad iyo xaasidnimo ka buuxdo.
Immikase yaanay innoo dhuuman ee aynu ka taxaddirno oo la tashanno Sulaaddiinta iyo Cheif Caaqillada reerka waliba adigoo aad awoodda u siinaya odayaasha beelaha u soo xulaya, si aan reeruhu dhaxdooda isku dulmin. Illaahay xaqa ha inna garan siiyo.
Wa Billaahi Tawfiiq
Siyaasi Maxamed Ismaaciil (Warfaa).