Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Horyaalka Yurub Iyo Ronaldo Iyo Messi Oo Boodhka Lagu Qasay

Xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa dhawaan si rasmi ah u bilaabmay, si lamid ah sida ay u bilaabmeen horyaalada ugu waaweyn Yurub waxa sidoo kale bilaabmay tartamada shaqsiga ah oo ay ugu horreyso dhinaca gool dhalintu.

Waxa haatan lasoo xulay xiddigaha ugu goolasha badan guud ahaan Yurub tartamada oo dhan iyadoo aysan goolashani kaliya ku koobnayn koobabka horyaalada waxaana hoggaanka u haya gool dhaliyaha Everton ee Dominic Calvert-Lewin.

Calvert-Lewin ayaa xilli ciyaareedkan si layaab leh u hoggaaminaya kooxdiisa Everton oo hoggaanka u haysa horyaalka Premier League oo ay saddex dhibcood ka sarreeyaan kooxda ugu soo dhaw.

Dominic oo wicitaankiisii ugu horreeyay ee xulka qaranka England dhawaan helay ayaa lix kulan oo uu tartamada oo dhan ka ciyaaray kasoo dhaliyay sagaal gool taas oo muujinaysa sida uu Carlo Ancelotti uga dhigay mashiin gool dhalineed.

Booska labaad ayuu ku jiraa dhaliyaha kooxda ree Germany ee Hoffenheim ee Andrej Kramaric oo 8 gool lehi waxaana ay goolal wadaagaan hoggaamiyaha Tottenham ee Harry Kane.

Kaalinta xigta ayuu ku jiraa saaxiibka Harry Kane ee Tottenham ee Son Hueng Min iyadoo ay labada xiddig wacdarro soo dhigayeen ilaa haatan una muuqdaan kuwo in ka badan intii hore is fahamsan.

Liiskan oo 11 ciyaaryahan kusoo baxeen ayaysan ka dhex muuqan xiddigaha ugu wanaagsan jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo aan wali bilaabin inay kor u qaadaan gool dhalintooda.