Gebogebada Shirka Wada’-tashiga Siyaasadda Warbaahinta Somaliland iyo Weedhihii laga yidhi

Hargaysa(Aftahannews)- Kulan lagu lafa gurayay Siyaasadda Warbaahinta Somaliland ayaa lagu soo gebogabeeyey Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxa soo qabanqaabisay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, waxaana ka soo qeybgalay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA, Ururka Haweenka Warbaahinta Somaliland ee WIJA, Ururka Hablaha Warbaahinta ee FIMO, daneeyayaasha Warbaahinta ee kala ah Dalada bulshada rayidka ee SONSAF, Akademga Nabada iyo horumarinta Somaliland APD, Xrunta dhaqanka Hargeysa, Xarunta xuquuqal iinsaanka, Machadka Horumarinta, Garyaqaano, qaar ka mida Ruug-cadaaga Saxaafadda Somaliland iyo Xafiiska Dawlada Ingiriiska ee Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland SOMA, Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe Janaale), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bogaadiyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland inay ku soo marti qaaday kulanka lagaga arrinsanayay Siyaasadda Warbaahinta “Waxaan ku bogaadinayaa Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiqaadir Dayib Askar oo soo qaban-qaabiyay kulankan qiimaha baddan,isla markaana Ururkayaga (SOMA) nagu soo casuumay waa markii ugu horeysay ee ay Wasaarada Warfaafintu qabato kulankan lagaga tashanayo Siyaasadda Warbaahinta….. Waa inuu kulankani noqdaa mid midho-dhala oo ay ka soo baxaan Siyaasad anfacda guud ahaan Warbaahinta Somaliland oo dhowr iyo labaatanka sannadood ee soo socda lagu shaqeeyo, balse yaanu noqon mid dhinac kaliya ka raran oo dib u dhac inagu keena……. Mudda ay jirtay Somaliland Xeerkii Saxaafaddu waxa uu yaala Golaha Wkiillada oo muu dhaqan-gelin oo xukuumadda ayaa hortaagan, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi  inay hirgeliso Xeerkan lagu dhaqayo saxaafadda…..Saxaafaddu waa muraayada uu qarani iska daawado”

Guddoomiye Kuxigeenka Ururka Telefiishanada madaxa-banaan ee SIBO Keyse Axmed Digaale, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Warbaahinta ee WIJA Yaasmiin  Axmed Yuusuf, Agaasimaha Ururka Hablaha Warbaahinta ee FIMO Warda Axmed Rooble iyo Agaasimaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA  Xamse Xanas oo halkaasi ka hadlay ayaa si isku mida u soo dhaweeyey kulankan lagaga arrinsanayey Siyaasadda Warbaahinta Somaliland, isla markaana ugu baaqay xukuumadda Somaliland inuu kulankani ka soo baxo Siyaasadd anfacda Warbaahinta Somaliland oo uu ka duwanaado kulamadii hore loo qaban jiray, waxaanay xuseen in muddadii uu socday ay isku dhaaf-sadeen arrimo baddan oo ku saabsan siddii loo horumarin lahaa guud ahaan saxaafadda Somaliland, si ay ula jaan-qaado warbaahinta dunidda horumartay.

Agaasime Waaxyeedka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo halkaasi ka hadashay ayaa si niyadsani ah u soo dhaweysay kulankan lagaga tashanayay Siyaasada Warbaahinta Somaliland, isla markaana waxay u rajaysay inay ka soo baxaan qodobo midho dhala oo anfaca Warbaahinta Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in figradihii ku saabsanaa samaynta siyaasadda saxaafadda Somaliland ay wasaaraddu dhawaan ka soo saari doonto bayaan, waxaanuu intaas ku daray in mudadii uu kulankaasi socday la isku dhaafsaday arrimo badan oo ku saabsan sidii kor loogu dhaadi lahaa tayada saxaafadda Somaliland, wasaaradduna ay soo dhawaynayso waxkasta oo hagaajinaayo xaaladda saxaafadda Somalilanad.

“Waxaan idin damaanad qaadaynaa inay siyaasadu noqoto mid aynu ku xalino caqaabadaha haysta warbaahinta…….waxaan halkan ku daah furayaa ereyga ah Warbaahinta dadweynaha ee ay dawladu gacanta ku hayso, halka markii hore laga odhan jiray warbaahintii dawlada. Siyaasadda warbaahinta ee halkan ka soo bixi doonta waxay noqonaysa mid qiimo baddan oo deeqda warbaahinta oodhan….caqabada ugu weyn ee ina haysataa waa mid sharci”Ayuu yidhi Wasiir Cabdinaasir.

Cabdinaasir Cumar Jaamac wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland wuxuu intaas ku daray in wasaaraddu mar kale soo qaban qaabin doono kulan kale, kaas oo dib loogu eegi doono siyaasadda saxaafadda Somaliland, taas oo ay hadda gacanta ku hayso wasaaradda warfaafintu.

Waxa kulanka goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Mukhtaar  Maxamed Cali, Wasiir kuxgeenkii hore ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Marwo Shugri Xariir Daahir, Afhayeenka Xukuumadda ahna rug cadaa saxafadeed Cabdilaahi WAYAB, Garyaqaano tiro baddan iyo ENG. Keyse Faarax yuusuf iyo marti Sharaf tiro baddan.

Waa markii ugu horeysay 29 sannadood ee ay Somaliland jirtay inay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigeintu ay qabato shir lagaga tashanayo Siyaasadda warbaahinta.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.