Magacyada Laba Dhallinyaro ah oo ay Liqday Bada Berbera

Berbera (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalo xeebeedka Berbera ayaa waxaa ay sheegayaan in laba dhallinyaro ah ay liqday bada magaalada Berbera.

Labadan dhalinyaro ah ee ay liqday badu ayaa la sheegay in ay saaka ka tageen magaalada Hargaysa.

Labadan Marxuun ee ay badu liqday ayaa la kala odhan jiray Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu shilkan ka badbaaday hal wiil oo la socday labada marxuun Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi.

Taliyuhu waxa uu intaas raaciyey in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday Waxa uu Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan Kacsan tahay.

Maydka labadda dhalinyaro ee Badda Berbera ku geeriyooday ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee magaaladda Berbera.

Ma aha markii ugu horaysay oo ay dad sidan oo kale ugu dhintaan Badda magaaladda Berbera, hase yeeshee arrintaasi ayaa ah mid soo noq-noqotay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.