Xildhibaanada Awdal, Sool iyo Sanaag oo ka soo horjeestay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa (Aftahannews) — Qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka golaha Wakiilada Somaliland kumatala gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay ka hadleen xeerkii doorashooyinka ee golaha Wakiiladu ansixiyay.

Xildhibaanadan oo ka maqnaa fadhigii lagu ansixinayay xeerkaasi ayaa waxaa ay si weyn uga soo horjeesteen xeerka doorashooyinka oo uu goluhu ansixiyay.

Xildhibaanadan oo manta warbaahinta kula hadley xarunta baarlamanka ayaa xeerkaasi goluhu ansixiyay ku tilmaamay mid cid gaar ah u afduuban.

Waxa ay sheegeen in kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland iyo gudidii loo xilsaaray tabashadooda aan wax natiijo ah laga gaadhin.