Horyaalka Serie A-da Talyaaniga Oo Qarka U Saaran In Loo Joojiyo Covid-19 Oo Soo Laba Kacleeyey

Horyaalka Serie A-da dalka Talyaaniga ayaa lagu soo warramayaa inay jirto fursad gabi ahaanba lagu joojin karo mudo kooban sababtoo ah inuu kooxaha heerkaas ee dalkaas saamayn cusub ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee Korona.

Mudada la qiyaasay inuu hakan karo Serie A ayaa ah laba toddobaad kaddib markii kooxda Genoa ay maanta shaacisay in 14 kamida xiddigaha iyo shaqaalaha kooxdeeda laga helay xanuunka.Taas ayaa ka dhigan in Napoli oo 6-0 ku garaacday Genoa toddobaadkan ay u baahan doonto in dhammaad shaqsiyaadka ku ab-tirsadaa ay u baahan doonaan inay mudo karantiin galaan.

Napoli ayaa la balansanayd inay la ciyaarto kooxda uu hoggaanka u yahay Cristiano Ronaldo ee Juventus Axada soo socota halka uu jawdalku sheegayay inay Genoa la ciyaari doonto Torino Sabtida.

Dawlada dalkaasi Talyaaniga iyo wasaarada ciyaaraha ee dalkaas ayaa la sheegayaa inay ka shaqaynayaan inay go’aamiyaan qaabka ugu wanaagsan ee ay xanuunka kaga xakamayn karaan kubadda cagta.Wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Corriere della Sera ayaa sheegaya in horyaalka la joojiyo in mudo ah inay tahay dookhyada horyaala madaxda sarre ee go’aanka gaadhaysa.

Waxa xusid mudan in ciyaarihii qaramadu ay bilaabmi doonaan toddobaadka dambe taasina ay ka dhigantahay in mudo laba Usbuuc ah deg-deg loo hakiyo kubadda cagta dalkaasi inay carqalad ku keeni doonto kulamadii Usbuucan la sugayay.