Caasimad Loo Doortay Maayar Aan Noolayn Iyo Hal-xidhaalaha Ku Lammaan

Maayar u dhashay dalka Rumaaniya oo toddobaadyo ka hor u geeriyooday Covid-19 ayaa guul weyn ka soo hoyey doorashada deegaanka ee magaalada Deveselu ka dhacday.

Ion ayaa markii saddexaad loo doortay inuu noqdo Maayarka magaalada Deveselu oo ku taalla Koonfurta Rumaaniya isaga oo helay cod dhan 64%.

Mas’uuliyiinta doorashada dalkaasi waxay sheegeen Maayarka oo aan noolayn in markale la doorto iney keentay sawirradii ololaha doorashada u ku galay oo Magaalada siddooda ugu dhajisan oo aan la qaadin geeridiisa kaddib.

Ion aliman ayaa ku geeriyooday caasimadda dalka Rumaaniya Bucharest 15-kii bishan September.Mas’uuliyiinta doorashada ugu sarreysa oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegeen marki la ogaaday guusha iney raacday maayarka aan nooleyn in la qabtay doorasha labaad balse dadka deegaanka waxay booqdeen qabriga maayarka geeriyooday si ay ixtiraam ugu muujiyaan.Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dad aad u tira badan oo booqasha ku tagay halka lagu aasay Mr Aliman.

Muuqaal laga soo duubay shacabka booqashada ku tagay qabriga maayarka geeriyooday waxaa lagu arkayey mid ka mid ah shacabka oo leh Mr Aliman ‘Waa Guushaadi”.

“Wuxuu inoo ahaa Maayar aad u wanaagsan,” ayey tidhi haweney u warrantay telefishinka maxalliga ee ProTV oo ay soo xigatay wakaaladda wararaka ee Reuters.“Wuxuu garab u ahaa magaalada oo dhan, wuxuuna ixtiraami jiray sharciga. Uma maleynayo inaan heli doonno maayar isaga la mid ah”.

Mr Aliman, oo hore uga tirsanaa ciidamada badda Rumaaniya wuu ka tirsanaa xisbiga PSD ee ay siyaasaddiisu bidixda u janjeedho, iyada oo ay da’diisu ahayd 57 jir.

Guusha u soo hoyatay Maayarka ayaa noqotay mid faraxd gelisay xisbiga PSD uu ka tirsanaa. Xisbiga ayaa guuldarro aad u weyn kala kulmay magaalooyin badan iyo kuraas heer deegaan isaga oo la tartamay xisbiyada kala ah USR-PLUS iyo PNL.

Xisbiga PSD ayaa xilka ka degay sanadki hore kaddib marki ay dowladda Rumaaniya baarlamaanka dalkaasi uu codka kalsoonida kala noqday dalkaasina ka dhaceen mudaharadyo ballaadhan oo looga soo horjeedo dib u habeynta garsoorka Midowga yurub iyo musuqmaasuq.