Dawlad Caan Ah Oo Laba Dawladood Oo Dagaalamaya Mid Garab-siisay

Istanbul (Aftahannews)-Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa Armeniya ugu baaqay iney joojiso qabsashada dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh si ay labada dal xal waara u gaaraan.

Hadalka Edrogan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaal laba maalmood oo xidhiidh ah socdau uu dhexmaray Azarbajaan iyo Armenia, iyadoo colaadda tobannaanka sana soo socotay ay dib ugu soo cusboonaatay gobolka Caucus ee Koonfurta-bari ee Yurub ku yaallo.

Erdogan wuxuu sheegay Armenia oo joojiso damaceeda qabsashada dhulka la isku hayo iyo gobolkaasi oo ay gabi ahaanbab ka baxdo ay tahay waddada keli ah ee ay labada dal nabad ku gaari karaan.

Wakaaladda wararka Turkiga Anadolu waxay sheegtay madaxweyne Erdogan inuu yiri “Turkiga inuu sii wadi doono awood kasta uu leeyahay uu saaxibtinimo iyo walaaltinimaba uu la garab istaago Azarbajaan.

Elnur Civik oo ah la taliyaha Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu Turkiga dalka Azarbajaan oo ay xulafa yihiin uu hill iyo hooba la garab istaagayo.

Dagaal labada dal isniinti dhexmaray ayaa la sheegay iney ku dhinteen tobannaan qof, iyada oo dad malyan kor u dhaafayana ay dagaalladu ku qasbeen iney guriyahooda ka qaxaan.

Mas’uuliyiinta gobolka Nagorno-Karabakh waxay habeennimidi Isniinta sheegeen 26 askari inay dagaalka uga dhinteen taasoo khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ka dhigeyso in ka badan 80.

Dalal badan ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey dagaalkan ku soo cusboonaaday labada dal iyada oo ay soo jiiteen quwadaha labadaasi dal deriska la ah sida Turkiga, Ruushka iyo Iiraan.Waddamadaasina waxay xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay u daneynayaan maadaamaa tuubbooyinka saliidda iyo gaaska ee ugu muhiimsan ay dalalkaasi dagaallamaya dhexmaraan.

Dagaalki ugu dambeeyey ee labada dal ayaa Axaddi bilawday, inkasta oo labada dal Azarbajaan iyo Armeniya uu midba midka kale ku eedeynayo colaadda soo cusboonaatay inuu isagu billaabay.Labada dalna waxay diyaarsadeen ciidamo tira badan iyaga oo meelaha qaar kaga dhawaaqay xaalad dagaal.Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa oo labada dal dhex mara iyada oo dagaal 2016-dii labada dal dhex maray ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof.