Liverpool Vs Arsenal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Weyn Ee Caawa

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmara Kooxaha Liverpool iyo Arsenal muddo afar maalmood gudahood ah ayaa caawa ka dhacaya garoonka Anfield, iyadoo ciyaar qeyb ka ah horyaalka Premier League ay Gunners u safreyso magaalada Liverpool.

Marka ay caawa ku wada ciyaaraan kulankan Gunners iyo Reds ayaa markale 01 bisha October isla garoonkaan kulan qeyb ka ah wareegga 16-ka EFL Cup.

Labadaan Kooxood ayaa soo guuleystay labadii kulan ee ay illaa iyo haatan ka ciyaareen horyaalka Premier League kal ciyaareedkan, iyadoo mid ka mid ah uu guushiisii saddexaad oo xiriir ah heli karo caawa horyaalka Ingiriiska fasal ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Isniin 28 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Thiago uu tartan ugu jiro inuu safka hore ku soo bilowdo kulankiisii ugu horreeyay ciyaarta ay caawa ka horjeedaan Arsenal.

Jordan Henderson iyo Joel Matip ayaa ka maqan ciyaartan, laakiin Joe Gomez ayaa ku soo laabtay tababarka.

Dhinaca kale Arsenal ayaa rajaynaya inuu dib ugu soo laabto daafaceeda Kieran Tierney kulanka ay safrayaan Anfield, inkastoo Cedric Soares uu sii wadi doono maqnaanshihiisa.

Sokratis ayaa wali dhaawac ku maqan isaga iyo Emile Smith Rowe iyo Shkodran Mustafi.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool-Ka-Fool

>- Liverpool ayaa guuleystay afarteedii kulan ee la soo dhaafay kuwaasoo ay garoonkeeda kulammada horyaalka ku wajahday Arsenal, waana heerkeedii ugu fiicnaa oo ay Anfield kaga helaan tan iyo todoba kulan oo xiriir ah oo ay kaga adkaanayeen garoonkan taasoo la soo gabagabeeyey sanadkii 1988-dii.

>- Arsenal ayaa garaacday Liverpool bishii July tan iyo markaas waxa ay Premier League ku kulmeen 10 kulan, iyadoo Gunners tobankaas kulan ay la kulantay 4 barbaro iyo 5 guuldarro.

>- Gunners ayaa guulo xiriir ah horyaalka Premier League ka gaari karta Liverpool markii ugu horreysay tan iyo bishii September sanadkii 2012-kii.

Liverpool

>- Liverpool ayaa guuleysatay siddeedeedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, kulankii saddexaadna waxa uu 3-1 garoonkooda kaga adkaadeen Arsenal.

>- Ma jirto koox horyaalka ku guuleysatay oo saddexdeeda kulan ee furitaanka Premier League guuleysatay tan iyo Kooxda Manchester United oo sidaas sameysay kal ciyaareedkii 2011-12.

>- Liverpool ayaa guuldarro la’aan ku ah garoonkeeda 60 kulan oo horyaalka ah, waana heerkii saddexaad ee ugu dheeraa afarta qeybood ee kala duwan ee England, waxaana ay ka dambeeyaan Chelsea oo sidaas sameysay 86 kulan (2004-08) iyo isla Liverpool qudheeda oo kulammo xiriir ah oo 63 kulan ah ku adkaanaysay garoonkeeda intii u dhexeysay (1978-80).

>- Gool ayay ku dhaliyeen garoonkooda 35 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League tan iyo barbarihii 0-0 oo ay garoonkaas kula galeen Manchester City bishii October sanadkii 2018.

>- Si kastaba ha noqotee, Reds ayaa laga dhaliyey saddex gool kulammo isku xiga iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda Anfield markii ugu horreysay tan iyo bishii September sanadkii 1982-kii.

>- Mohamed Salah ayaa dhaliyey 26 ka mid ah 33-dii gool ee ugu dambeeyey Premier League kuwaasoo lagu dhaliyey garoonka Anfield.

>- Thiago saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu tartan rasmi ah ka hortagay Arsenal waxa ay ku dhammaadeen guulo 5-1 oo uu ka qaatay Gunners, dhammaan kulammadaas waxa uu ka tirsanaa Bayern Munich tartankaasina waxa uu ahaa Champions League.

>- Liverpool ayaa guuleysatay 26 ka mid ah 27-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Reds ayaa dhalinaysay ugu yaraan saddex gool lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabisay Arsenal tartammada oo dhan.

Arsenal

>- Arsenal ayaa guuleysan karta saddexdeeda kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo goortii ay shan kulan oo xiriir ah adkaadeen horyaalka fasal ciyaareedkii 2004-05.

>- Waxa ay guuleysteen labadooda kulan ee furitaanka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin kaddib kaliya labo jeer ayay guuleysteen 13-kii kulan ee xigay, waxaana ay la kulmeen 7 barbaro iyo 4 guuldarro).

>- Gunners ayaa guuleysan karta afar kulan oo xiriir ah horyaalka markii ugu horreysay tan iyo markii ay todobo kulan adkaadeen horyaalka laga soo bilaabo Agoosto illaa Oktoobar sanadkii 2018.

>- Arsenal ayaan wax guul ah gaarin 27 kulan oo Premier League ay marti ahaayeen (Away) isla markaana ay wajahayeen lixda kooxood ee ugu sarreeya tan iyo guushii 2-0 oo ay ka soo gaareen Manchester City bishii Janaayo sanadkii 2015-kii, waxaana laga dhaliyey 61 gool kulammadaas 27-ka ah, waxa ay barbaro galeen 10 kulan, halka ay guuldarro la kulmeen 17 kulan.

>- Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay afar gool lixdii kulan ee ugu dambeeysay Premier League, goolashiisii ugu dambeeyay, wuxuu dhaliyay saddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah bishii Febraayo sanadkii 2019-kii.

>- Mikel Arteta ayaa noqon kara macallinkii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah u ah Arsenal kulankiisii ugu horreeyey inta Liverpool booqda tartan walba ka soo adkaada tan iyo Tom Whittaker oo sidaasi sameeyey bishii December sanadkii 1947-kii, sagaal tababare ayaa tan iyo markaas ku guuldarreystay inay kulankooda koowaad booqdaan Anfield oo ay guul soo gaaraan, waxaana ay la kulmeen siddeed guuldarro.

>- Arsenal ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.