Washington: Shacab Looga Digay Xannuun Helis Ku Ah Naftoodda

Washington (Aftahannews)- Shacabka magaalada Lake Jackson ee gobolka Texas ayaa looga digay inay cabbin biyaha qasabadda ama tuubbada kaddib marki biyaha ay shacabku cabbaan lagu arkay baakteeriya il ma aragta ah oo maskaxda qofka cuni kara.

Baadhitaan lagu sameeyey biyaha qasabadda ama tuubbada laga cabbo ee magaalada Lake Jackson ayaa lagu ogaaday inay biyuhu la socdaan baakteeriya maskaxda cuni kara oo u baahan iney shacabku aad uga taxaddaraan.

Xaaladaha noocan ah oo ku yar dalka Mareykanka haddana waxaa xaalad noocan oo kale ah la diiwaan geliyey inti u dhaxeysay 2009-2018.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta magaalada Lake Jackson waxay sheegeen iney biyaha magaaladaasi daweynayaan balse ay garaneyn inta ay ku qaadan doonto.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Texas waxay sheegeen iney biyaha tuubbada ay u isticmaalaan nadaafadda oo keli ah.

Digniinaha ayaa intooda badan la qaaday maalinti Sabtida marka laga reebo magaalada Lake Jackson oo ay ku nool yihiin dad ka badan 27,000.

Shacabka ku nool magaalada Lake Jackson waxaa loo sheegay iney muujiyaan taxaddar aad u weyn maadaamaa aan la isku halleyn karin nadaafadda biyaha tuubbooyinka ay ka helaan.

Waxaana loo sheegay biyaha marka ay ku qabeysanayaan iney ka ilaaiyaan sanka iyo afka iney ka galaan.

Waxaana si gaar ah looga digay carruurta iyo dadka da’da ah ee magaaladaasi ku nool ee ay dhici karto difaaca jidhkooda inuu daciif yahay iney halis aad u weyn ay ka soo wajahi karto.

Baaritaanka biyaha lagu sameeyey iyo khataraha caafimaad ee ka iman kara ayaa la ogaaday kaddib marki ilmayar oo 6 jir ah laga helay baakteeriya biyaha la socda oo caafimaadka maskaxdana wax u dhima horraanti bishanna uu xanuunkaasi u geeriyooday.

Xaruunta ka hortagga iyo xakameynta cudrurrada (CDC) waxay sheegtay caabuqa inuu qofku haleelo marka uu dabaalanayo ama uu quuso biya qabow.

Dadka uu caabuqaasi haleelana waxaa lagu arkaa astaamo ay ka mid yihiin xummad, lalabbo, matag iyo madaxa iyo qoorta oo qofka xanuuno. Dadka uu xanuunkan haleelana toddobaad gudahii ayey u dhintaan.

Horraanti sanadkan 2020-ka waxaa xanuunkan laga helay gobola Florida ee dalkaasi Mareykanka.