Madaxweyne Farmaajo oo Weeraray Aqoonsi-raadinta Somaliland iyo Madaxweyne Biixi oo Jawaab Kulul ka bixiyey

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo

Hargeysa/Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa  jawaab adag ka bixiyey hadal uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku sheegay inaanay Soomaaliya weligeed kala go’I doonin, isla markaana ay Somaliland ku hungawday aqoonsi ay 30kii sano ee u dambeeyey dunida ka doonaysay.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa Barnaamij lagu qabtay magaalada Muqdisho, oo uu soo qabanqaabiyay Machad dhanka Cilmi-baadhista ah oo lagu magacaabo Raas, ayaa waxaa dadkii ka qeybgalay qaarkood ay weydiyeen su’aalo kala duwan oo u badnaa xaaladda uu dalku marayo.

Su’aalaha la weydiiyay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa mid la xidhiidhay Midnimada Soomaaliya iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, waxaana uu sheegay in mar walba uu ka shaqeeyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maaddaama oo sida uu hadalka u dhigay aaney bulshada Soomaaliyed kala maarmin.

“Dib u heshiisiinta Soomaaliya khaasatan Soomaaliya iyo Somaliland anigu intii aan joogay si aad ah ayaan uga shaqeyay inta hadda wada joogtaa in ay wada joogaan iyo in aan raadino walaaleheen Soomaliland; si aan midnimadeennii iyo wada-jirkeennii u soo celinno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata, ayaa muujiyay in Soomaaliya iyo Somaliland aaney kala go’i doonin, isla markaana waxyaabaha loo sheegayo dadka shacabka ah wakhtiga lagaga luminayo, waxaanu yidhi; “Waxaan aaminsanahay in ay tahay muqaddas, maxaa yeelay Soomaaliya lama kala gooynayo cid aqoonsaneysa gobol ka tirsan Soomaaliyana ma jirto. Laakin, dhalinyarada iyo shacabka, ayaa wakhtiga laga luminayaa, waxey maraysaa maanta 30 sano, Somaliland madaxdooduna wax walba way sameyeen, meel walbana way u galeen sidey ku heli lahaayen aqoonsi.”

Madaxwayne Farmaajo oo dadka su’aalaha weydiinayay ay su’aalahoodu u badanaayeen arrimaha siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyeen wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu qiray in dhinacayada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay ka gaabiyeen sii wadista wadahadalladaas iyo sidii ay midho-dhal u noqon lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in dhankooda ay galeen arrimo doorasho iyo jahawaree siyaasadeed sidaas darteena ay arimahaasi keenen in wadahadalladaas ay baaqdaan,waxaana uu carrabka ku adkeeyay in markii horaba uu isagu arrintaan xoogga saaray oo uu rabay in la wadahadallo, lagana shaqeeyo wax u dan ah shacabka labada dhinac.

“Annaga miyaa ka mas’uul ah in la baajiyo kulamadii aan u ballanay? Waxaan odhan karaa labada dhinc-ba (waa ka masuul), Annaga qaybteenna waa qirayaa oo waan ka gaabinnay, sababtoo ah? Waxaan galnay doorasho iyo buuq siyaasadeed kalaan galnay, markaa taas ayaa sabab u ah.” Sidaa ayuu ku jawaabay Madaxweyne Farmaajo.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo Axaddii maanta ka qaybgalay, hadalna ka jeediyey Munaasibad ay ku qalin-jebiyeen 400 (Afar boqol) oo Macallin oo ah dufcaddii koowaad ee ka  baxa Kulliyadda Tabobbarka Macallimiinta Qaranka  oo ku taalla duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa, ayaa hadalka Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay riyo runta ka fog iyo in wax aan suuragal ahayn.

Waxa uu Madaxweyne Biixi fool-xumo aanay geyin dadka reer Somaliland ku tilmaamay in lix Madaxweyne oo Soomaaliya kuwada shiray ay go’aamiyeen in Xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda ee Baarlamaanka Federaalka ka midka noqonaya lagu doorto magaalada Muqdisho, taas oo uu kaga baxay su’aal uu Bulshada u dhaafay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu ka sheekeeyey taariikhdii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kala qabsaday iyo sida ay ku timi qaddiyadda gooni-isu-taagga Soomaaliya, waxaanu sheegay inaanay Somaliland mar dambe midnimo dhex-mari doonin Soomaaliya.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.