Qaar Ka Mid Ah Xiddigaha Laf-Dhabarta U Ah Liverpool Oo Seegi Kara Kulanka Arsenal

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa wajahaysa sugitaan wer-wer leh oo la xidhiidha taam ahaanshaha xiddigaha kooxdeeda ee Thiago Alcantara iyo Alisson Becker kahor kulanka adag ee habeen dambe ee Arsenal.

Thiago iyo Alisson ayaa labaduba seegay tababarka Liverpool ee toddobaadkan oo dhan sabab dhaawac darteed waxaana uu shaki ku jiraa haddii ay qayb ka noqon doonaan safka Jurgen Klopp ee habeen dambe.’

Fursada xiddigahaasi ay u haystaan inay kulankaas qayb ka noqdaan ayaa la ogaan doonaa berrito marka ay tijaabada fayo-qabka maraan iyadoo la go’aamin doono haddiiba ay Gunners kahor tagi doonaan.

Thiago ayay u muuqatay inuu kulankiisii ugu horreeyay ugu soo bilaaban doono Liverpool tan iyo markii uu heshiiska 20-ka Milyan ee Pound ah ugaga soo wareegay dhinaca Bayern Munich.

Alisson ayaa bil xilli ciyaareedkii hore ahayd ku seegay dhaawac kubka ah iyadoo uu goolhayaha kaabista ah ee Adrian ahaa midka booskiisa sii buuxinayay mudadaas.

Sidoo kale goolhayaha dookha saddexaad ee kooxdaas ee Lloris Karius ayaan la filayn inuu qayb ka noqon doono kulankaas maadaama oo uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda ree Germany ee Union Berlin.

Karius ayaa heshiis amaah ah ugu wareegaya Union Berlin taas oo ka dhigan inuu halkaas kaga dhici doono heshiiska uu kula joogo Liverpool hadda oo uu 12-kii bilood ee ugu dambeeyay kaga jiro.