Rooble oo Dhegaha ka Fureystay Baaqii Xil-wareejinta ee uga yimi Xasan Kheyre

Xil-wareejinta Raysal-wasaare Rooble iyo Mahdi Guuleed 2020
Xil-wareejinta Raysal-wasaare Rooble iyo Mahdi Guuleed 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iska indha-tiray baaq uga yimi Ra’iisal-wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ee ahaa inuu isaga xilka ku warejiiyo.

Xil-wareejinta Raysal-wasaare Rooble iyo Mahdi Guuleed 2020
Xil-wareejinta Raysal-wasaare Rooble iyo Mahdi Guuleed 2020

Munaasabad xil wareejin ah oo maanta lagu qabtay Madaxtooyada Villa Soomaliya, ayuu Rooble xilka kagala wareegay sii-hayihii xilka Ra’isul-wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa ku-xigeenka Raysal-wasaarihii Xukuumaddiisa Aqalka hoose ee Baarlamaanku riday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ka dib markii 25Ka bishii Ogos ay golaha shacabku kalsoonida kala laabteen xukumaddii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre oo sharci-darro ku tilmaamay tallabaadaas, ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu is casilo, isaga oo u tudhaya dadka iyo dalka Soomaaliya.

Munaasabada waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan wasiirrada sida ku-meel-gaadhka ah xilka u sii haya.

Qoraal uu soo saaray shalay ayuu Ra’iisal wasaarihi hore ee Soomaalilya, Xasan Cali Kheyre ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka xafiiska Ra’isal wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya uu ku wareejiyo Ra’iisal wasaraha cusub ee la ansixiyey, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi; “Si waafqasan dastuurka, shuruucda dalka iyo dhaqanka dowladnimo, waxaan kugu wargelinayaa inaan diyaar u ahay inaan kugu wareejiyo xilka xafiiska Ra’iisal wasaaraha, kulana wadaago nuqullada xil wareejinta iyo warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayaan dhaqangelinta hawlaha waaweyn.”

Sidoo kale wuxuu warqaddiisa ku sheegay Khayre inuu diyaar u yahay inuu xilwareejin uu ku sameeyo muddo toddobaad gudahiis ah, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda dedaallada loogu jiro horumarinta dalka.

Hase-yeeshee, lama aqbalin dalabka Ra’iisal-wasaarihii hore u diray beddelkiisa iyo labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhegaha ayuu ka furaystay Ra’iisal wasaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, wax war ahna kamuu soo saarin illaa hadda muranka dalabka Khayre iyo sida muranka Villa Soomaaliya ka taagnaa maalmahan ee la xidhiidha Qofka xilka ku wareejinaya.

Haddaba, Sharciyaqaan Sakariye Yuusuf oo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da la 11hadlay, ayaa ku dooday inay ahayd sharciyan inuu Xasan Cali Kheyre ku wereejiyo xilka Ra’iisal-wasaaraha la ansixiyey, balse beddelkii Mahadi Maxamed Guuleed oo xilkan wareejiyey, aanu sharciyan haysan arrintan.

“Ra’isal wasaarihi codka kalsoonida baarlamaanka siiyey ay baarlamaanka ku ogaayeen inuu sharciyan uu hoggaamiyo dowladda federaalka isagaa laga rabaa inuu xil wareejinta sameeyo, maadaamaa isaga marka horaba loo dhaariyey codka kalsoonidana lagu siiyey hadda marka codka kalsoonida laga laabtayna isagaa laga rabaa sharciga sida uu tilmaamaya waa sidaas.” ayuu yidhi Sharciyaqaan  Sakariya Yuusuf.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.