Baarlamaan Federaalka Soomaaliya oo Wada-jir u Ansixiyey Heshiiska Doorashada ee Muqdisho lagu gaadhay

XILDHIBAANNADA LABADA GOLE BAARLAMAAN EE FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020.jpg
XILDHIBAANNADA LABADA GOLE BAARLAMAAN EE FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Heshiiska siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

XILDHIBAANNADA LABADA GOLE BAARLAMAAN EE FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020.jpg
XILDHIBAANNADA LABADA GOLE BAARLAMAAN EE FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020.jpg

252 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha fadhigirka ah ee Sabtidii maanta labada gole yeesheen ka qaybgalay, ayaa oggolaaday heshiiskan. 2 Xildhibaan, ayaa diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

Waa markii ugu hoRreysay ee muddo ka dib labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ay wada-jir u meel-mariyeen sharci ka yimid Xukuumadda, kaas oo ay soo gudbisay madaxtooyadu, ka dib markii ay dowladda federaalka iyo maamullada xubnaha ka ahi khilaaf badan ka dib isla gaadheen toddobaadkii hore.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, ayaa hadda laga sugayaa inay magacaaban guddiyadii doorashada maamuli lahaa, sida guddiga doorashada heer federal iyo heer dowlad-goboleed.

Haddaba, fadhigaa wada-jirka ah ee ay Aqalka hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya maanta ku ansixiyeen heshiiska ay Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu toddobaadkii hore iskula gaadheen Muqdisho iyo siday u ansixiyeen Xildhibaannadu, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

.Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.