Buuq Hadheeyey Fadhigii Golaha Wakiillada ee Maanta iyo Xildhibaanno Shirguddoonka u Hanjabay

Hargeysa(aftahannews):- Buuq, ayaa ka dhashay fadhigii golaha Wakiillada Somaliland ee Sabtidii maanta, ka dib markii wax ka beddelka iyo kaabista xeerka doorashooyinka ay shirguddoonku soo jeediyey in si aan hubin lahayn lagu ansixiyo, kaas oo ay ka biyo-diideen Mudanayaasha qaarkood oo ku tilmaamay in Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Axmed-yaasiin Sheekh Ali Ayaanle afduubay golaha.

Xildhibaan la sheegay inuu gacan-ka-hadal isku dayey, ayuu Shir-guddoonku amray in dibedda looga saaro fadhiga, waxaanse lagu guulaysan inuu xeerkaasi ansax noqdo maanta, ka dib markii ay Xildhibaannada qaarkood fadhiga ka istaageen, isla markaana diidmo kala hor-yimaaddeen arrintaas.

Haddaba, sida fadhigaasi ku bilaabmay, sida wax noqdeen iyo Xildhibaanno ka hadlay-ba, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

https://aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.