Ha’yadda Lacagta Adduunka oo Ka Hadashay Shuruudaha Dayn-cafinta Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxa IMSF
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxa IMSF

Muqdisho(aftahannews):- Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa waxaa looga hadlay kulamo looga hadlayay arrimaha deyn-cafinta iyo dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii qorshaha horyaalla ay u fulin laheyd.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxa IMSF
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxa IMSF

Waxaa lagu sheegay kulamo dhacay September 12—22, 2020,dii ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta hay’addaan la yeesheen madax ka tirsan Golaha wasiirrada ee xilka sida gaarsiinta ah u jooga iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya .

Kooxdaan khuburada ah oo ka socotay hay’adda IMF ayaa waxaa hor kacayay Allison Holland, iyadoo warbixinta ay soo saartay ku amaantay sida Soomaaliya oo hadda mareysa marxalado ay sabab u yihii xaalado dabiici ah ay uga go’antahay iney gaarto yoolka la tiigsanayo si deynta looga cafiyo.

”Iyadoo dalka uu wajahayay dhibaatooyinkii COVID-19, hirar Ayax ah oo kacay oo sababay xaalado Bani aadanimo , haddana waxaa muuqata adkeysi iyo in canshuur dhaaf ay dowladda sameysay” ayey Holland ku tiri warixinta ay soo saartay.

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jiho qurux badan, si looga dhaafo deynta.

Sannadihii ugu dembeeyay Soomaaliya waxay laheyd hiigsiyo hor-yaalla si deynta looga cafiyo, taasoo marxaladihii u dambeeyey maraysa waqtigan.