Dawlad Oggolaatay In Qoysasku Ka Qayb-gali Karaan Qofka Uu Dilo Covid-19

Nairobi  (Aftahannews)- Qoysaska ayaa haatan si buuxda uga qeyb geli kara duugta dadkooda u geeriyooday xanuunka Covid-19, kaddib markii ay dowladdu khafiifisay shuruucdii ka taallay.

Markii hore waxaa qoysaska loo oggolaa inay meel fog ka daawadaan sida ay duugtu u dhacayso, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay si buuxda ula wareegi jireen duugta.

Saraakiisha caafimaadka ayaa haatan sheegaya in meydka dadka u dhintay Covid-19 aysan faafin fayraska. Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Xarunta Xakameynta Cudurrada Afrika ee CDC ma aysan shaacin weli haddii meydku uu gudbin karo Covid-19, balse waxay wax ka beddeleen shuruucda duugta, iyagoo oggolaaday in qoysasku ay si buuxda uga qeyb geli karaan.

Sida ku xusan shuruucda wax laga beddelay ee Kenya, saraakiisha caafimaadka ayaa goobjoog ka noqon doona duugta.