Cad Quudheed lama Qaato! W/Q: Xuseen Bullaale

Indhawaydba Waxaa Warbaahinta Haystay, Dhaliisha Biyo kama Dhibcaanka Ah Ee Aqoon yahanka Indheer garadka Iyo Bulshada Beel weynta Bariga Burco, Kuwaas Oo Maroorsi Iyo Is Caleemo saarid U arkayay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ee Inagu Soo Foolka Leh.
Haddaba Dhawaaqa Beeshaasi Oo Dhul gariir Ugaga Darnayd Madaxtooyada Ayaa Koox Weji ku macaash ah oo Madaxtooyadu lacag usoo dhiibtay, Ay Wadaan Qaban-qaabadda shir lagu taageeraayo, shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ee Dadka Deegaankaasi U Arkaan Mid La Afduubay.
Kooxdan weji ku macaashka ah oo uu hogaaminaayo Xoghayaha guud ee galaha wakiilada, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle , ayaa lacag badan kaga soo qaatay Madaxtooyada Somaliland, sidii ay u soo ururin lahaayeen koox dhalinyaro ah oo taageerta shir weynaha gacan ku rimiska ah ee Kulmiye, ee uu afduuban Muuse Biixi Cabdi, iyo koox yar oo isaga taageersan Madaxtooyada, ayaa lacag badan u qoondaysay in ay ku bixiso sidii ay u heli lahayd dhalinyaro, ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo oo taageera shirweynaha Afduuban ee Xisbiga kulmiye , sidaa daraadeedna waxay lacag usoo dhiibeen koox uu hogaaminaayo xoghayeCabdirisaa Siciid Ayaanle, oo Iyaga Laftigoodu Ka Aradan Taageeradda Beesha Ciday Wax uga Keenaan Daaye, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa bilaabay qorshe ah, in uu suuqyada Hargeysa ka ururiyo koox dhalinyaro Ah Oo Lasoo Marin Habaabiyey Si Ay iska dhigaan in ay taageersan yihiin shirka Kulmiye ee u afduuban Kornaylada Kadeedan.
Xoghayaha guud ee golaha wakiilada, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa durba weji gabax kala kulmay Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo. Kuwaas oo uu qaarkood usoo bandhigay qorshaha Madaxtooyadu usoo dhiibtay, hasa yeeshe dhalinyarada uu la kulmay waxay u sheegeen in beesha Habar-jeclo ay go`aan ku gaadhay in aanay taageerin kana qayb gelin shirka Kulmiye, maadqama uu shirku u afduuban Yahay Madaxweyne Biixi.
Lacagta ay Madaxtooyadu ku bixinayso sidii ay u heli lahayd Taageeradda dhalinyaradda ka soo jeeda Beel-weynta habar-jeclo iyada oo adeegsanaysa koox uu hogaaminaayo Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Badi Dhalinyarada Usoo Bandhigay In Dawladu Taageerada Kulmiye Ku siin doonto Kab Ama Dhaqaale Waa Hadii Ay Shirka Taageeraane Hase Yeeshee Dhalinyaradda Ayaa Badhkood Xoghayaha Iyo Xoolo doonka La Socda U sheegay Inay La Aragti Yihiin Beesha Inteeda Kale Ee Shirkaasi Diidan.
Siyaasiyiiinta,aqoonyahan iyo guud ahaan Beesha Habar-Jeclo ayaa mawqif cad iska taagay in aanay ka qayb gelin shirka Kulmiye, maadama oo uu afduubtay kana talaabsaday xeerarkii u yaala Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Oo mar kale doonaya in loo cumaamado gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Beesha Habar-Jeclo oo iyadu si weyn u taageersanayd Xisbiga Kulmiye, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2002, codadka ugu badana ay ka heleen masuuliyiintii soo qabtay hogaanka dalka, sanadkii 2010 Oo madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo ) iyo Doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Hasa yeeshee Siyaasiyiinta iyo haldoorka Beesha Habar-Jeclo, ayaa ku hungoobay Xisbiga Kulmiye, tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Xisbigii kulmiye-yana waxa uu noqday mid u afduuban koox gaar ah oo uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.
Wa Bilaahi Tawfiiq. Xussein Bullale Togdheer.