Haweeney lagu eedeeyey inay hoggaaminaysay weerarkii Westgate oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayso Deegaanno Soomaaliya ka tirsan

QardhoAftahannews):- Haweenay Ingiriis ah oo hore loogu eedeeyay inay lahayd masuulliyadda weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairopi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 70 qof,ayaa lagu sheegay inay joogto deegaanno a mid ah Soomaaliya sida uu qoray wargeyska lagu magacaabo The Mirror ee ka soo baxa magaalada London.

Samantha-Lewthwaite-2343078

Wargeyska The Mirror oo soo xiganaya khuburo Sirdoon oo Ingiriis ah, ayaa sheegay in Samantha Lewthwaite oo ah Haweeney u dhalatay Ingiriiska laguna eedeeyay inay Hoggaaminaysay Weerarkii bishii hore lagu qaaday dhismaha xarunta ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, lagu arkay Deegaanno ka tirsan  Soomaaliya.

Khuburada la hadlay Wargeyska The Mirror, ayaa xusay in ay ka walwalsan yihiin weerarro dheeraad ah inay Haweenaydaasi mar kale abaabulayso, imminkana ay joogto Deegaanno ka mid ah Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan gobolka Karkaar ee Maamul-goboleedka Puntland.

Khuburada Sirdoonka Ingiriiska  ee la hadlay Wargayska The Mirror, ayaa u sheegay in Laba qof oo arkay Haweenaydan Samantha Lewthwaite inay u sheegeen Saraakiisha Sirdoonka ah in siyaabo kala duwan loogu arkay Deegaanno hoos taga Magaalada Qardho oo ka tirsan Puntlnad maalmo yar ka hor weerarkii lagu qaaday Xabsiga Boosaaso iyo Deegaanno kale oo hoos taga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo lagu sheegay inay halkaa muddo joogtay ka hor intaan deegaanka Qardho lagu arag.

Khuburo Sirdoon ah oo ku sugan Waddammo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa The Mirror u xaqiijiyay in Xarakada Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay Haweenaydaas kaga dhoofiyaan Soomaaliya una diraan dalka Yemen.

Sirdoonka Ingiriisk ee uu soo xigtay Wargeyska The Mirror, ayaa walaac ka muujiyay inay jiri karaan weerarro khatar ku ah ammaanka Geeska Afrika oo ay xilligan gabadhani ku hawlan tahay ama ay la waddo qorshayaal duullaan kooxda Al-Shabaab ee la sheegay inay la joogto.

Ma jiro Macluumaad dheeraad ah oo laga helay Haweeneydan la yidhaahdo Samantha Lewthwaite oo ah 29-jir u dhalatay Dalka Ingiriiska oo lagu eedeeyay in ay abaabushay, isla markaana hoggaaminaysay Weerarkii Westgate Mall halka ay ku sugan tahay xilligan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.