Mulkiile Ciyaareed Oo Dhaqaale Lacageed Siiyey Shirkad Dhul Ku Haysta Reer Falastiin

Elad waa ha’yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama “Ir David” oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay “Magaaladii Daa’uud”

Tan iyo markii la aasaasay ha’yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha’yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa’uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof.

Agaasimihii hore ee ha’yadda Elad, Shahar Shilo wuxuu BBC-da u sheegay in istaraatiijiyadda hay’addan ay adeegsaneysay ay aheyd mid dalxiis “si ay u sameyso wax ka duwan siyaasadda dhabta ah ee ka jirta magalaada Daa’uud.

Ha’yadda Elad waxay ku tiirsaneyd lacago deeq ah. Ku dhawaad kala bar deeqdaas na waxay heshay intii u dhexeeysay sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii, kaalmada ugu badanna waxay ka heshay afar shirkadood oo Ingiriiska laga leeyahay.

Magacyada afartan shirkadood ee deeqdaas siiyay Elad waxay ka soo muuqdeen dokumentiyo bangi oo si sir ah loo dusiyay ee lagu magacaabo “Fincen Files.” Waxaa dokumentiyada ku jira macluumaadka bangiga ee ku saabsan lacagaha lagala baxay iyo cidda leh shirkadahaas.

Warbaahinta Buzzfeed ayaa si hoose ku heshay dokumentiyadaas oo loo gudbiyay ururada caalamiga ah ee weriyeyaasha dabagalka sameeya iyo BBC-da.

Magaca ka muuqda dokumentiyada waa Roman Abramovich, waxaana ku xusan in uu yahay milkiilaha saddexda shirkadood ee deeqda siiyay ha’yadda Elad halka shirkadda afaraad uu isaga maamule ka yahay.

Akoonka ha’yadda Elad waxaa ka muuqda in shirkadahaas ay ugu deeqeen in ka badan $100 milyan oo doollar. Waxayna taasi ka dhigan tahay in milkiilaha kooxda Chelsea uu ahaa isha ugu weyn ee dhaqaalaha siin jirtay ha’yadda Elad, 15-kii sano ee la soo dhaafay