Lionel Messi Oo Qarka U Saarnaa Inuu Ku Biiro Kooxda Arsenal

Wakiilkii hore ee kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo lagu magacaabo Fabian Soldini ayaa ugu dambayn ka hadlay xaqiiqada wararka mudada dheer soo jiray ee ah in xiddigaasi uu ku dhawaaday inuu kooxda Arsenal u wareego.

Sanadkii 2003 ayay ahayd markii ay Barcelona gacanta ku dhigtay Cesc Fabregas iyagoo isla wakhtigaas Barcelona wax ka weydiiyay Lionel Messi oo ay akaademiga ku wada jireen Fabregas.Sida uu hadda xaqiijiyay wakiil Saldini, Arsenal ayaa isku day-day inay samayso saxeexa Messi isla markii ay Fabregas qorshihiisa ku jirtay.

Fabian Saldini ayaa sheegay in Barca ay Fabregas iyo Messi si wadajir ah wakhtigaas u weydiisatay inay baxaan balse uu Messi diiday oo uusan doonayn inuu ka dhaqaajiyo Camp Nou oo uu xilligaas saddex sano uun joogay.

“(Messi) waxa la isku dayay inuu tago Arsenal, laakiin isagu ma uusan tagin” ayuu ugu horreynba hadalkiisa ku bilaabay wakiilkii hore ee kabtanka Barcelona.

“Waxaan xasuustaa maalintii Cesc la weydiistay inuu baxo, Messi-na sidoo kale waa laga dalbaday laakiin isagu ma uusan doonayn inuu tago”

Fabregas ayaa sanadkii 2011 dib ugu laabtay Barcelona isagoo ku biiray kooxdii xooganayd ee Pep Guardiola xilli uu halkaas joogay ilaa 2014 markaas oo uu dib ugu wareegay Premier League balse uu noqday ciyaaryahan Chelsea ah.