Nin Dilay Xaaskiisii Sababo Yaab Leh Awgeed

Hargeysa, (Aftahannews)-Nin ku nool dalka Hindiya ayaa caloosha ka dooxay xaaskiisa oo uur leh si uu ogaado waxa uu noqon doono ilmaha dhalan doono, waxaana dhintay canugii uurkeeda ku jiray, sida ay sheegeen booliska dalkaas.

Qoyska haweeneyda waxay ku eedeeyeen seygeeda in sababta uu u weeraray ay tahay in uu markasta doonayay in uu ogaado canuga ay sido xaaskiisa gabadh mise wiil.Lamanayaashan waxay dhaleen 5 gabdhood, ninka wuxuu si joogto ah xaaskiisa ugu cadaadin jiray inay dhasho wiil.

Waxaana xabsiga la dhigay ninka dhaawaca u geystay xaaskiisa balse wuxuu beeniyay in si ula kac uu u weeraray.Waxay arrintani ka dhacday degmada Badaun ee dhacda gobolka Uttar Pradesh, waana meesha dadka ugu badan ay ku nool yihiin waqooyiga Hindiya.

Saraakiisha booliska waxay BBC-da u sheegeen in haatan xaaladda haweeneyda ay wanaagsan tahay isla markaana lagu daweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Delhi.Gabadh la dhalatay haweeneyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in lamanayaasha ay markasta ku murmi jireen arrinta ah inay dhasho wiil.

Sida laga soo xigtay walaalkeed, haweeneyda waxaa Axaddii loo qaaday cisbitaalka Delhi xilli ay xaaladdeeda halis aheyd.Wuxuuna seygeeda warbaahinta gudaha u sheegay in bir caarad leh oo ku tuuray xaaskiisa, xilliggaasina uusan u maleyneyn inay dhaawaceyso“Waxaan dhalay shan gabdhood, mid kamid ah wiilasheyda ayaa geeriyooday, waxaan ogahay in ilmaha uu Illaahey bixiyo”

Booliska waxay baarayaan dhacdadan.Waaliddiin badan oo ku nool Hindiya waxay inta badan ku rajo weyn yihiin inay helaan wiilal badan.Ku dhawaad 46 malyan gabdhood ayaa la la’yahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen Hindiya 50-kii sano ee lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saaray Qaramada Midoobey bishii Juun.

Sanad kasta, in ka badan 460,000 oo gabdhood ayaa caloosha hooyadood laga soo xaaqaa inta aysan dhalan arrintaas oo ku saleysan in inta badan la doorbido wiilasha, waxay sidoo kale tallaabadaas horseeday in gabdho badan ay dhintaan madaama la dayacay.

Warbixin ay soo saartay dowladda Hindiya sanadkii 2018-kii waxaa lagu sheegay in damaca loo qabo in la helo wiilal ay horseeday in 21 malyan gabdhood la dayaco guud ahaan waddankaas.