Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Taiwan U Dirto Ciidamo Ka Caawiya Dagaalka Shiinaha

Beijing (Aftahannews)-Tirada diyaaradaha ciidamada cirka Shiinaha ee soo galaya hawada Taiwan ayaa walaac xooggan ku abuuray shacabka Taiwan, oo hadda is-weydiinaya haddii Beijing ay ugu dambeyn qorsheyneyso weeraro ka dhan ah kadib sanado hanajbaad ah.

Ciidamada cirka Shiinaha ayaa kordhiyey tirada duulimaadyada ka gudbaya xariiqda hawada labadan deris afartii bil ee lasoo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin ay sii daysay wasaaradda difaaca qaranka Taiwan.

18 diyaarado militari oo Shiinees ah ayaa ka gudbay hawada Taiwan Jimcihii, waxaana xigay 19 kale Sabtidii, sida ay sheegtay wasaaradda. Diyaaradihii Sabtidii gudbay ayaa u duulay hab loo naqshadeeyey inay fuliyaan weeraro.

Ayada oo ka jawaabeysa, ayaa wasaaradda difaaca Taiwan waxay sheegtay in Jasiiraddan “ay xaq u leedahay inay is difaacdo oo ay sameyso weerar celis.”

“Iyadoo militariga Shuuciga ay sare u qaadeen daan-daansiga militari iyo diyaar-garowgooda maalmihii tegay, iyo awoodda ay u leeyihiin inay weeraraan Taiwan, ciidamada Taiwan waxay isu diyaarinayaan xaalad dagaal iyo sida ay ula tacaali lahaayeen halistan,” waxaa sidaa bayaan ay Isniinta soo saartay ku sheegtay wasaaradda difaaca Taiwan.

Ra’yi uruurin ay sameysay Yahoo horranatii September ayaa muujisay in 64% shacabka Taiwan ay walaac ka qabaan dagaal qarxa, halka 33% ay sheegeen inaysan walaacsaneyn ama aysan aragti ka dhiiban.

China waxay sheegtaa in Taiwan ay ka tirsan tahay. Taiwan ayaa is iskeed ah isu maamuleysa tan iyo 1949-kii markii xisbigii Wadaniga Shiinaha ee uu hogaaminayey Chiang Kai-shek looga adkaaday dagaalkii sokeeyey ee ay la galeen Shuuciyiintuu uu hogaaminayey Mao Zedong, taasi oo qasabtay in Chiang saldhig ka dhigto Taiwan, kagana dhowaaqo dal.

Dhinaca kale, wararan run-ahaanshahoodda lagu kalsoonaan karrin ayaa sheegaya in xukuumadda Muuse Biixi qorshaynayso in dalka Taiwan u dirto dagaalyahanno ka garab-dagaalo ciidamadda Taiwan ee weerarka ay ku soo qaaday dawladda Shiinaha oo ka soo horjeedda xidhiidhka Taiwan la samaysay Somaliland iyaddoo ka duulaysa in Taiwan tahay dal ka mid ah dhul-waynaha Shiinaha.