Xisbiyada UCID & Waddani Maxay ka yidhaahdeen go’aanka Xukuumaddu ugu fasaxday Warbaahinta Qaranka?

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan tallaabada Xukuumadda Somaliland qaadday ee ay ku fartay Warbaahinta Qaranka inay si siman u baahiyaan wararka mucaaradka iyo muxaafidka, halkii ay markii hore keliya baahin jireen wararka dowladda iyo Xisbiga Kulmiye.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xoghayaha Abaabulka Xisbiga Waddani Cabdillaahi Cismaan Geeljire oo xarumohooda Hargeysa warbaahinta kula kala hadlay maanta, ayaa tallaabo fiican ku tilmaamay u sinnaanshaha warbaahinta Xukuumadda maamusho ee Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeyska Dawan.

Haddaba, Cabdillaahi Geeljire iyo Yuusuf Kayse oo arrintaas ka hadlaya, waxaannu wararkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalladan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login