Wakiilka Britain u Jooga Hargeysa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxay ka wadahadleen?

Wakiilka Britain ee Hargeysa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland
Wakiilka Britain ee Hargeysa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda UK ay waddaagaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.

Wakiilka Britain ee Hargeysa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland
Wakiilka Britain ee Hargeysa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland
Wakiilka Britain ee Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland
Masuuliyiinta Xafiiska Britain ee Hargeysa iyo Maxkamadda sare ee Somaliland 

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa wakiilka kala hadlay in ay xoojiyaan, siina wadaan kaalmadii UK siin jirtay guud ahaan dalka gaar ahaana, hay’adda garsoorka, iyadoo mar walba Somaliland dhankeeda diyaar u tahay horumarinta hay’adda garsoorka oo dhaqaalaha wadanka ka soo baxa hay’adda garsoorka lagu wado, haddana in ay Somaliland hesho kaalmada ay xaqa u leedahay ee UK Adduunkoo dhan siiso. Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay taageerada ay UK u fidiso hay’adda garsoorka, guud ahaan mucaawinada ay siiso garsoorka iyo hay’addaha kale ee la hal-maala ee soo gala sharciga iyo kala dambaynta (rule of law). Waxa kale oo guddoomiyuhu uga mahadceliyay is-kaashiyadii hore ay dawladda UK ugu fidisay Somaliland, gaar ahaan serfarada (server) loo isticmaalo dacwadaha (case management) oo si rasmi ah shalay ay u soo wareejiyeen, kuwaasi oo hore maxkamaddaha Hargeysa loogu tijaabiyay sidii mustaqbalka dalkoo dhan loo gaadhsiin lahaa, dhaqaalana loogu raadin lahaa.

Wakiilka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ka waraystay arrinta doorashada iyo arrimaha kale ee wadanka ka socda ee hay’adda garsoorku doorka ku leedahay, waxa kale oo uu uga mahad naqay is-kaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Hay’adda garsoorka iyo sida haboon ee ay u socoto dib-u-habaynta garsoorku, dadkuna ugu kalsoon yihiin. Waxaanu isla shalay soo wareejiyay serfaradii hore UK ugu deeqday Somaliland.Wakiilka UK ee Somaliland ayaa sidoo kale balan-qaaday sii wadida kaalmadii hay’adda garsoorka ay siin jireen, isagoo uga waramay guddoomiyaha dib-u-habayn lagu sameeyay xafiisyadii UK kaalmada ku bixin jirtay Adduunkoo dhan, kuwaasi oo hore ugu hawl gali jiray laba magac (DFID iyo FCO) halka imika la mideeyay lagana dhigay Xafiiska horumarinta, arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka (FCDO) (Foreign Commonwealth and Development Office).

Ugu danbayn waxa uu shirku ku soo dhamaaday is-af-garad iyo in la sii wado wada shaqaynta soo jireenka ah ee u dhaxaysa UK iyo Somaliland.

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.