Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay culaysyada saaran iyo gooni-isu-taagga Somaliland

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii ugu Horreysay qiray gooni-isutaagga Somaliland, waxaanu hadalkaasi ku sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay kulan casho Sharaf ah oo uu u sameeyay madaxdii ka qayb-gashay Shirkii Muqdisho ee heshiis doorasho laga soo saaray habeen hore.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka warramay culaysyadii uu kala kulmay Madaxda Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii ay socdeen Shirarkii arrrimaha doorashada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in uu isagu tanaasul muujiyay, kadib markii uu garowsaday Midnimada iyo Wadajirka Dalka, si aysan khilaafkii taagnaa uga faa’idaysan dalal uu sheegay in ay jecel yihiin Qalalaasaha Soomaaliya.

Haddaba, warka ku saabsan nuxurka khudbadda uu kulankaas ka jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Muqdisho/Soomaaliya.