Maraykanka oo dalkiisa ka mamnuucaya TikTok iyo WeChat

Washintong (Aftahannews)-Maraykanka ayaa maalinta Axadda ah dalkiisa ka mamnuuci doona baraha bulshadu ay ku wada xiriirto ee kala ah TikTok iyo WeChat, haddii aan wax iska baddalin go’aanka madaxweyne Trump oo uusan heshiis kama dambays ah qaadan.

Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay in dadka ku nool Maraykanka ay ka mamnuucayso in ay la soo dagaan barnaamijyadaas.Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegaya in shirkadahaan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka, isla markaasna macluumadka qofka barahaas isticmaalaya ay u gudbi karaan Shiinaha.Hase ahaatee Shiinaha iyo labadaas shirkadoodba way beeniyeen.

WeChat ayaa si rasmi ah maalinta Axadda ah looga xiri doonaa dalka Maraykanka, balse dadka ayaa wali sii isticmaali doona barta kale ee bulshadu ay ku wada xiriirto ee TikTok inta laga gaarayo 12-ka November, markaas oo si buuxda loo mamnuuci doono.

Shirkadda TikTok ayaa sheegtay in arrintaas ay “niyad-jab ku noqotay” ayna is khilaafeen wasaaradda ganacsiga, ayadoo shirkaddu sheegtay in ay samaysay “daahfurnaan heer sare ah” walaaca uu qabo maamulka Trump awgiis.

Tencent – oo ah shirkadda iska leh WeChat – ayaa sheegtay in xayiraadaha la saaray ay yihiin kuwo “nasiib darro ah”, balse ay sii wadi doonto wada xaajoodka ay kula jirto xukuumadda Maraykanka “si mustaqbalka arrintaa xal looga gaaro”. Amarka xayiraadda ah ee ay soo saartay wasaaradda ganacsiga Maraykanka ayaa daba-socda amar uu madaxweyne Trump soo saaray bishii August, shirkadaha Maraykanka ee bah-wadaagta la ah ayaa la siiyey muddo 45 cisho ah si ay u joojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin labadaas shirkadood ee Shiinaha laga leeyahay.

Haddii sida la qorsheeyey ay heshiiyaan Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Oracle iyo tan Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance ee iska leh TikTok isla markaana uu heshiiskaa meelmariyo madaxweyne Trump, lama mamanuuci dooni App-ka TikTok.

Mr Trump ayaa suxufiyiinta u sheegay Jimcihii in uu aaminsan yahay in heshiis “dhakhso” lala gaari karo TikTok, asagoo intaas ku daray in TikTok ay noqon doonto “shirkad cajiib ah, oo aad caan u ah” haddii nabadgelyo laga helo Shiinaha.

“Waxaan filayaa in dad badani ay sii faraxsanaan doonaan, balse waa inaan helnaa nabadgelyada aan u baahannahay” ayuu yiri.

Xoghayaha Wasaaradda Ganacsiga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray sidaan ku yiri: “Annagoo ku soconna amarka madaxweynaha, waxaan qaadnay tallaabo aan kula dagaallamayno xogta gaarka ah ee Shiinuhu uu ka aruursanayo muwaadiniinta Maraykanka.”

Amarkan ayaa ka dhigan in laga bilaabo Axadda, aysan dadku isticmaali karin WeChat. Balse dadka TikTok isticmaala ay wali sii isticmaali karaan tan iyo inta laga gaarayo 12-ka bisha November ee sannadkan.