Ma Dhabbaa In Maraykanku Qorshaynayo Inuu Shaqsi Kale Ku Bedelo Maxamuud Cabbaas

Qaza (Aftahannews)-Maalmihii u dambeeyey waxa soo baxayey warar ay qaadaa dhigaysay warbaahintu oo tibaaxayey doorka uu ku leeyahay hogaamiyaha ka tirsan Ururka Xoraynta Falastiin ee la yidhaa Maxamed Daxlaan heshiisyada nabadeed ay kala saxeexdeen Israel iyo dalal Carbeed.

Warbixinahaa qaarkood ayaa sidoo kale dhaliyey hadal hayn iyo falanqayn ku saabsan saamaynta doorkiisaa la sheegay uu ku yeelan karo mustaqbalka hogaanka Maamulka Falastiiniyiinta ee uu haatan madaxda ka yahay Madaxweyne Maxamuud Cabbaas.

Waxa ka mid ah warbixinahaas muranka dheliyey warbixin uu qoray wargeyska Israel Hayom oo sheegtay suurta galnimada ah in Maxamuud Cabbaas jagada laga riixo, hase-yeeshee uu wargeysku boggiisa internet-ka ka saaray markii ay maamulka Falastiiniyiinta iyo shacabkuba aad u dhaleeceeyeen.

Wargeysku wuxuu warkaas u tiiriyey danjiraha Maraykanka u fadhiya Israel, David Friedman, oo uu sheegay inuu yidhi Maraykanku wuxuu ka baaraan degayaa inuu Madaxweynaha Falastiiniyiinta ku bedelo Maxamed Daxlaan.

Waxaa khasab ku noqotay wargeyska inuu markii dambe sheego in weriyahooda Ariel Kahana uu khalad dhanka qoraalka ahi ka dhacay, waxaanu intaa ku daray in Washington aanay danaynayn in ay Cabbaas hogaanka ka wareejiso ama ay iyadu ka taliso dhismaha hogaanka Falastiiniyiinta.

Warbixintu siday u qornayd?

Sida lagu sheegay warbixintaa ahayd waraysi uu la yeeshay safiirka Maraykanka, wuxuu David Friedman dhaliilay hogaanka Falastiiniyiinta oo uu sheegay inuu u arko in aanay sidii ay ahayd ugu shaqaynayn shacabka Falastiin.

Intii uu socday waraysiga wargeysku la yeeshay safiirka ayaa waxa la weydiiyey su’aal ahayd “maadaama Daxlaan haatan degan yahay Imaaraadka ma ka fikiraysaan in aad taageertaan in Daxlaan noqdo Madaxweynaha Falastiiniyiinta ee dambe oo lagu bedelo Cabbaas?”

Waxaanu ku jawaabay Friedman, waa sida lagu baahiyey warbixintaa wargeyska intaan la bedelin hadalka e, “anagu arintaas ayaanu ka baaraan degaynaa, laakiin ma doonayno in aanu qaabayno hogaanka Falastiiniyiinta.”

Hase yeeshee markii dambe ayaa jariidaddu tiraabtaa bedeshay oo ay u dhigtay sidii diidmo oo kale oo ah “anagu kama baadhaan degayno arintaa”.

Daxlaan iyo Maamulkuba way dhaleeceeyeen

Bedelidda qoraalkii ku soo baxay marka hore warbixinta wargeyska, ayaa sii kordhiyey hadal haynta ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay hadalka danjiraha Maraykanka, gaar ahaan intii uu waraysigiisa ku dhaliilay siyaasadaha Maamulka Falastiiniyiinta.

Maxamed Daxlaan ayaa se noqday qofkii ugu horeeyey ee warkaa ka falceliya, waxaanu qoraal uu barta uu Facebook ku leeyahay ku baahiyey ku beeniyey arintaas ah in lagu bedeli doono Maxamuud Cabbaas.

Sidoo kale waxa uu warkaa wargeysku markii dambe ka noqday ku tilmaamay “xarfad khiyaamo ah oo ujeedadeedu tahay in lagu argagax geliyo dadka Falastiiniyiinta ah oo gudahoodana khalkhal lagaga buuro.”

Dhanka kale, madaxtooyada Falastiiniyiinta ayaa soo saartay warbixin ay ku cambaaraynayso warkaa laga sheegay danjire Friedman intaan la bedelin, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in “shacabka Falastiin isagu yahay cidda doorata hogaankiisa”.

Waxay sidoo kale ku tilmaantay hadalkaa Friedman “mid ka arradan siyaasadda oo muujinaya heerka uu gaadhay qabka iyo isla weynida maamulka Maraykanka ee Trump hogaamiyo ee ku aaddan xuquuqda sharciga ah ee waddaninimo ee shacabka Falastiiniyiinta iyo hogaankiisa uu doortay”.