Shiinaha Oo 18 Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah U Diray Taiwan

Hargeysa, (Aftahannews)-Shiinaha ayaa mar kale hawl gallo milatari ka wada hareeraha jasiiradda goosatay ee Taywan. Waxay kusoo beegmaysaa xili sarkaalkii ugu sareeyay ee ka socda dawladda Maraykanku uu booqasho ku joogo Taywan.

Keit Krach oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ah masuulkii ugu sareeyay ee waaxda arimaha dibadda ka socda oo Taywan booqda muddo ka badan 40 sanno.

Dawladda Shiinahu waxay markan si cad u qiratay in dhoola tusyo milatari ay ka samaynayso Taywan, iyadoo ku sababaysay in ay ‘ilaalinayso madaxbanaanideeda.’

Afhayeenka wasaaradda difaaca ee dawladda Shiinaha ayaa sheegay in Maraykanka iyo Taywan ay abuurayaan qas iyo rabshad. Si cad ugamuu hadal safarka masuulka Maraykanka ah ee Taywan ku sugan.

Taywan waxya sheegtay in difaaceeda ay hawl galisay, kadib diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo ka gudbay marinka Taywan.

In ka badan 18 diyaaradaha dagaalka ah ayay Taywan sheegtay in ay soo galeen xadkeeda. Waa tiro aad uga badan tii ay ku warami jirtay hawlgaladii hore.