Xawaaladaha Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay Inay Qeyb Ka Yihiin Ka Ganacsiga Hubka

Muqdisho (Aftahannews)-Warbixin laga sameeyay hannaanka lacag xawilaadda caanka ah ee Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in in ka badan $3.5m ($2.7m) oo lacag caddaan ah ay sanadihii la soo dhaafay gashay gacanta dad looga shakisan yahay inay hubka soo geliyaan dalka.

Hay`adda caalamiga ah ee wax ka qabashada dembiyada abaabulan ayaa sheegtay in qof u dhashay Yemen oo caan ku ah ka ganacsiga hubka loo diray boqollaal kun oo dollar iyadoo ay jirto cunaqabateynta Mareykanka.

Baaritaanka ayaa caqabad ku noqon kara isku dayga xawaaladaha Soomaaliya ee ah inay la shaqeeyaan bankiyada caalamiga ah, kuwaas oo ka baqaya inay jebiyaan sharciga lacag is daba marinta.

Xawaaladaha qaarkood ayaa iyagoo arrintaasi ka jawaabaya waxay sheegeen inay sameeyeen wax walba oo ay ugu hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah.