Labba Shuruudood Oo Tababare Ole Gunnar Solskjaer Ku Diiday Inuu Man United Keensado Gareth Bale

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu saxeexa garabka Real Madrid ee Gareth Bale ka diiday kooxdiisa xilli uu xiddiga ree Wales qarka u saaran yahay inuu noqdo ciyaaryahan Tottenham ah.

Tottenham ayaa hadda boos aad u wanaagsan u joogta saxeexa Bale oo ay hal sano oo amaah ah kaga soo qaadanayaan Real Madrid iyadoo la filayo in saxeexiisa ay ku dhawaaqi doonaan ka hor toddobaadka cusub.

Walow uu 31 sanno jirkaasi dhaawacyo badan deris la noqday labadii sano ee ugu dambeeyay haddana hibadiisa ciyaareed ee aan la dafiri karin ayaa siisay markale inuu naftiisa ka caddeeyo heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.

Waxa ugu weyn ee la filayay inuu caqabada ku noqdo heshiiska uu Bale kaga baxayay Santiago Bernabeu ayaa ahaa mushaharkiisa oo aad u badan balse Spurs iyo Los Blancos ayaa xal ka gaadhay.

Haddaba, sida uu haatan sheegayo il-wareedka London Evening News, tababare Solskjaer ayaa laba sababood iskaga diiday saxeexa Gareth Bale xilli ay booska uu ka ciyaaro ee garabka midig suuqa ugu jiraan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Ole uu u diiday inuu amaah kusoo qaato Bale labada sababood ee kala ah rekoodhkiisa dhaawacyada oo ah mid badan oo musiibo ah iyo waliba mushaharka uu sanadlaha u doonayo oo aad u badan.

Spurs ayaa Real kula heshiiyay inay kala qaybsadaan lacagta uu mushaharka u qaadan doono Bale mudada sanadka ah ee uu kooxdeeda joogo.