Xiisadda Qaza Oo Kacsan Iyo Xamas Iyo Israa’iil Oo Madaafiic Is Waydaarsaday

Hargeysa, (Aftahannews)-Dagaal u dhaxeeya mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Militariga Israa’iil ayaa laga soo sheegayaa marinka Qaza, ka dib xafladdii Washinton ka dhacday oo ay heshiis ku kala saxeexdeen laba dal oo kuwa gacanka Carbeed iyo Israa’iil.Mintidiinta Falastiiniyiinta ayaa waxay labo Madfac ku rideen dhanka Israa’iil.Mid ka mid ah gantaaladaasi ayaa waxaa u ku dhacay magaala xeebeedka Ashdod, halkaasi oo labo nin ay ku dhaawacmeen.Falastiiniyiinta ayaa waxay sidoo kale shalay 13 gantaal ku ganeen dhanka Israa’iil.

Militariga Israa’iil oo ka jawaabayay ayaa waxay duqeeyeen magaalada Qaza, gaar ahaa sida ay sheegeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Xamas“Lama yaabani in argagixisada Falastiiniyinta ay gantaalo ku soo rideen Israa’iil xiilli xaflad taariikhi ah ay socotay,” waxaa sidaasi wariyayaasha Washinton ugu sheegay rai’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Waxay doonayaan inay daba gadiyaan nabadda, taasina kuma guuleysanayaan,” ayuu intaa ku daray”Wan weerari doonaa qofkii gacan uu nagu waxyeeleynayo noo qaada, sidoo kale waan gaaraynaa ciddii gacan nabadeed noo fidisa.”

Kooxda Xamas, oo gacanta ku haysa magaalada Gaza, ayaa uga digtay Israa’iil “inay natiijo xumo kala kulmi doonto haddii ay daandaansadaan dadka Falastiiniyiinta islamarkana jawaabta waxay noqon doonaan mid toos ah”.

Xiisadda Qaza ayaa bilaabatay xilli Mr Netanyahu iyo wasiiradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka iyo Baxreyn oo heshiis nabadeed oo taariikhi ah ku wada saxeexday Aqalka Cad ee Mareykanka.Mr Trump ayaa sheegay “in heshiiskan uu gundhig u yahay nabad waarta oo laga hirgaliyo guud ahaan gobolka “.