Wiilkii Lahaa Qorshaha Lagu Dilay Xamdi Oo Ka Sheekeeyey

Muqdisho, (Aftahannews)-Wasaaradda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen eedeyssane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa falkii lagu dilay alle u naxariistee  Xamdi Maxamed Faarax.


Eedeysanaha lasoo qabtay ayaa lagu sheegay magaciisa Maxamed Ibraahim Cismaan, 24 jir.  Waxa uuna ku eedeysanyahay inuu kaalin weyn ka qaatay dilka gabadha oo ka hor la sheegay in la kufsaday.

Laammaha ammaanka dalka ayaa baadhaya dad badan oo kiiskaan loo soo xidhay,  waxayna tallaabadaan eedeysanahan lagu soo qabtay kor u sii qaadeysaa kalsoonida hay’adaha nabad-gelyada iyo baadhitaanka socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay meel adag ka taagantahay arrinta kufsiga iyo dilalka isla socda oo aad Soomaaliya ugu soo badanaya.