Cabdillaahi-dirawal Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeeyay Inay Doorashada Kaga Dhuumanayaan In Ururrada Siyaasadda La Furo

Hargeysa, (Aftahannews)- Sigaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa mar kale dhaliilay Heshiiska Xisbiyada Qaranku ku gaadheen in doorashada deegaanka la qabto, xilli buu yidhi muddo kooban ka hadhay Muddada 10-ka sano ah ee loogu talo-galay in Xisbiyadu Sharci ahaadaan, maaddaama oo uu sharcigu dhigayo in 10-kii sanaba hal mar la furo Ururrada siyaasadda, si loo abuuro Xisbiyo cusub.

Cabdillaahi-dirawal oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay Khilaafka ka dhex taagan Xisbul-xaakimka KULMIYE.

Siyaasiga oo ugu horrayn ka hadlaya khilaafka Xisbiga KULMIYE ayaa yidhi  “Arrinka Kulmiye ka dhex dhacay uma arko waxay imika inoogu horrayso, Xisbiyadana maaha xisbiyo Dadku wada leeyahay, UDUB-tii aanu aasaasayaasha ka ahayn waatii la naga hor-joogsaday ee la yidhi geli maysid, wax dhibaato ahina ma dhicin, Ninka Wasiirka ah ee  Axmed Muumin Seed waatii WADDANI laga saaray ee la adiga laguuma baahna oo Mid kale ayaa la helay, waa caadi, kuwana haddii la yidhi iska taga la idiinma baahnee Anigu uma arko wax cusub.”

Siyaasigu wuxuu dhaliilay habka ay dhisan yihiin Xisbiyada Qaranku “Xisbiyadeenu maaha Xisbi ay Dad isku fakar ah (aasaaseen) wax ay ku kala duwan yihiina ma jirto, kursigaa sida loo fuulayo ayuun bay ku kala duwan yihiin, markay Xisbiyadu yihiin kuwo wax ku kala duwan ama ay yihiin kuwo Dad wax wada aaminsani ay Xisbiga wada leeyihiin ayuu noqdaa xisbi la wada leeyahay ee kharashka ku baxaya la qaybsanayo, laakiin xisbi inta uu Nin keliya samaystay kharashkiisana uu reerkiisu bixinayo isagaa leh, miyaa Faysal ba laga qaado illaa 2002 buu haystee, markaa waynu ku soconaa Xisbiyo hagaagsan oo Dadku wada leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu mar kale dhaliilay Heshiiska Xisbiyadu dhawaan wada gaadheen “Heshiisku waakii aynu ka doonaynay, laakiin markaad eegto waxay qorshaysteen iyo heshiiskay galeen ma waafaqsana in dadka loo danaynayo ama Sharciga dalka loo danaynayo, sababtu waxa weeyaan Xisbiyada Qaranka wakhtigoodu waa 10 sano, waxa siinaya Xeer Lr 14, 10-kii sanaba mar baa Ururrada la furayaa, ururrada xilliga la furayaana waa lix bilood ka hor wakhtiga dhammaadka, 26 December, 2012 ayaa lagu dhawaaqay inay yihiin Xisbiyo Sharciya, 26 December, 2022 ayuu Wakhtigoodu ku egyahay Xisbiyada, markaa waxa la rabaa bisha June, 2022 in ururrada la furo, Sharcigu wuxuu sheegayaa in Ururradu ku tartamayaan oo ay ku soo kala baxyaan doorashada deegaanka siday u kala helaan, iyaguna imika waxay qorshaysteen sida iyaga iyo Komiishanku isla dhigeen 2022 dabayaaqadiisa inay doorashadu qabsoomi karto haddiiba la yidhaahdo Doorashadu way qabsoomaysaa.  Doorashadii la qaban kari waayay 9-ka Sano ee ay joogeen in iyagoo bil ka hadhay Wakhtigoodii inay yidhaahdaan waanu qabanaynaa Timir lafbaa ku jirta. Xisbiyada ayaa loo baahan yahay inay ka jawaabaan, maxaad noqonaysaan marka la gaadho 2022 ee Wakhtigiinu dhamaado, ma ururo ayaad u xuub-siibanaysaan, ma Qodobkii 83-aad ee Dastuurka ayaa ku dhufsanaysaan Shaambaddiisa (Muddo-kordhin) Dadku waxay doonayaan in la qanciyo, heshiiskiinaa shaki baa ku jira, waxaanu aragnaa inaad ka dhex aragteen Dan idinka idiin wada faa’iido ah, weliba xisbiyada Mucaaradka ah..”