Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo laga helay Xanuunka Coronavirus

WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg
WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg

Laascaanood (Aftahannews)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaciyey in maanta laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baadhis caafimaad oo lagu sameeyey.

Wasiir Koore oo warbaahinta ugu warramay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baadhitaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu is Karantiilay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale xusay in qaar ka mid ah ilaaladiisa laga helay xanuunka, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Laacsaanood ee gobolka Sool.

Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafista cudurka.

Xanuunka Coronavirus ayaa markale ku soo laba kacleeyey Somaliland, iyada oo ay wasaaradda caafimaadka ay waddo dadaallo lagaga hortago sii fidista cudurkaasi.