Maxaad ka Taqaannaa Farshaxanka Laasgeel ee Kumannaan Sano ka hor la sameeyay?

Dr. Jama Musse Jama

  • Gudd. Xarunta Dhaqanka Hargeysa
bbc

Laasgeel waxa ay u jirtaa Hargeysa in ku dhow 50km xagga Waqooyi Bari, waxana ay 5km Waqooyi kaga beegan tahay tuulada Dhubato. Waxa dhagaxda Laasgeel ku yaal shaxannada sawirgacmeedka ah ee Afrika kuwa ugu dhowrsoon ee ka badbaaday hagardaamada aadamaha iyo nuglaynta dabeecaddu u gaysato shaxannada sooyaalka ah.

Waxa lagu qiyaasaa 5,000-11,000 oo sannadood ka hor in la sameeyey farshaxankan dhagaxkuyaalka ah, oo u badan xoolo lo’ ah, qaab bini’aadam, iyo xayawaanno kale oo lagu dul xardhay dhagaxa ku dhowrsoon xorfadaha buurta Laasgeel. Waa goobta ugu caansan kolka ay noqoto taariikhda soojireenka Somaliland, waana goob u muhiim ah dalxiiska oo soo jiidatay indhaha adduunwaynaha.

YUSUF DAAHIR

Tan iyo dib-u-soo-helitaankeedii sannadkii 2002 oo ay koox isugu jirta cilmibaadheyaal Faransiis ah iyo sahamiyeyaal reer Somaliland, u sheegeen dunida, wax ay indhaha adduunka ku soo jeediyeen goobtan Laasgeel, oo heshay sumcad badan oo adduunwaynaha ah, waxaana jira hadda dhawaaqyo isa soo taraya oo loogu talagalay in loo aqoonsado Goobta Dhaxalka Dunida (GDhD) ee UNESCO.

Mar hore ayay hirgeli lahayd in Laasgeel loo diiwaangeliyo GDhD, waxa se ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan arrinka, aqoonsi la’aanta Somaliland, oo aan ku lahayn kursi iyo cod toona UNESCO.

Baadhitaan lagu sameeyey dadka soo booqday ee sida sharciga waafaqsan u tagay shantii sannadood ee u danbaysay, waxa ay inna tusaysaa in Laasgeel ay tagaan ajaanibku inta badan oo booqadashada Soomaalidu ay ku yartahay

Sida ay sheegtay wasaaradda Dalxiiska, in ku dhow 70% dadka soo booqdaa waa ajaanib, kuwaas oo lacagta ka soo xerootay sannadihii u danbeeyey ay u dhaxayso 18,000-20,000USD sannadkii oo toos ah uga timaadda sicirka shatiga oggolaanshaha.

Lacagtaas waxaa dheer kharashaadka nololeed ee dalxiiska goobta, nooliga gawaadhida iyo hagayaasha dalxiis ee loo kireysto tegitaanka, iyo waliba dalkugalka iyo ka dukaansiga magaalooyinka ee dadka u yimaadda dalka in ay soo booqdaan Laasgeel. Arrinkaasi waxa uu muujinayaa in Laasgeel kaalin waxkuool ah kaga jirto koboca dhaqaalaha ka soo xerooda dalxiiska.

Qoraalka Codka,buug u badan sawiro goobaha taariikhiga qadiimiga

Wasiirka Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad ‘Saajin’, waxa uu ii sheegay in wasaaraddu sannadkii 2019-kii horraantiisii soo jeedisey in dalkugalka loo fududeeyo dadka imanaya Somaliland oo laga siiyo xudduudda soo gelitaantka (Visa on arrival), taas oo la qaatay lana hirgeliyey oo xoojisey in dad badani yimaaddaan iyagoo dalxiis ah, rajo fiicanna ka qabo in koboca dhaqaalaha Somaliland uu dalxiisku wax wayn ka noqon doono.

Hadda oo ay adduunka kala xidhay sadhada KOOFIDH-19, waxa is taagtey booqashadii goobtaas, oo macneheedu hayay in dakhligii ka soo geli jirey dawladda dhexe uu yaraaday, islmarkaana dhaqdhaqaaq nololeedkii goobta Laasgeel iyo tuulada Dhubato si dadban uga soo gelijirey ay sadhadu saamaysay.

HCC

Sidee loo tegi karaa Laasgeel?

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska waxa ka furan xafiis u gaar ah oo laga qaato waraaqda fasaxa booqashada. Xafiisku waxa uu furanyahay isla xilliga xafiisyada wasaaraddu furan yihiin oo dhan, halkaas oo lagu bixinayo lacagta fasaxa booqashada.

Qiimaha hadda u go’an waa 25USD qofkii ajaanib ah iyo 10USD qofkii muwaadin ah, lacagtaa oo toos u qabanaysa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Waraaqdaasi waxa nuqul ka mid ah lagaaga reebayaa albaabka gelitaanka ee goobta dalxiiska.

Maxaan lagu arki karaa Laasgeel?

Goobta Dalxiiska ee Laasgeel waxa ay ka koobantahay 7 guri oo ay in ku dhow 250 sawirgacemeed oo isugu jira xoolodhaqato qaab bini’aadam leh, lo’ lab iyo dheddigba leh balse u badan sac, ey amase yey, masas, geri iyo riyo, oo ku dul xardhan dhagax dabiici ah.

Quruxda Laasgeel waxa sii kaabaya deegaanka bannaan ee kolka aad buurta fuushantahay si ilwaad leh naftu ugu raaxaysanayo, islamarkaana aad dareemayso degganaansho nafsi iyo hawo caafimaad.

Waxa jooga shaqaale Wasaaradda ka tirsan oo aqoon u leh taariikhda iyo xaradh-faneedka oo kugu wehelinaya socodka kuuna sharxaya goobaha kala duwan iyo sawirrada kala duwan ee goobta.

YUSUF DAAHIR

Maxaan u baahanahay si aan u booqdo?

Laasgeel ma laha goob laga iibsan karo biyo iyo cunto, kolkaa waa inaad sii qaadataa biyaha aad cabbayso. Qiyaastii laba saacadood in aad kusoo wada booqato ayaa kugu filan, kuna nasato. 5ta Km ee waddada aad ka leexanaysaa ma aha mid dhiibsan, sidaa daraadeed waxa aad u baahantahay gaadhi ka bixi kara waddada, waxana muhiim ah in aanad ku raagin galabtii oo fiidkii aanu kuugu madoobaan soo socdku, islamarkaan aad uga bogato dalxiiska.

Sii qaado kabo ku habboon socodka oo deggan. Kamarad ama teleefon uu baytarigiisu kuu buuxo sii qaado, si aad xusuus uga soo reebto safarkaaga.

Yaa tegi kara Laasgeel?

Laasgeel waa goob ku habboon booqashada cid walba, carruur iyo waayeel. Waa goob dugsiyadu dalxiis wadareed ardaydooda u gayn karaan sannadkiiba mar, waana goob ay qoysasku iyaga oo isu dhammaystiran waalid iyo carruur soo booqan karaan. Hase yeeshee, waxa jira dhagax jaranjaraysan oo ku gayn doonaa godadka farshaxan dhagax-ku-yaal ku urursanyihiin.

Waxana dhici karta, waa nasiib-darro e, in dadka lugaha ka naafada ah iyo kuwa tamartooda jidheed liidato aanay fursaddaas heli karin. Si kastaba ha ahaatee, kama qadayaan quruxda dabiiciga ah ee goobta.

Maxay tahay in aan la samaynin?

Waxa ugu horreeya ee qofka dalxiiska ahi iska ilaalinayaa waa in booqashadu ay dhibaato u gaysato farshaxanka, iyo guud ahaan deegaanka goobta, waana muhiim in la ilaaliyo nadaafaddeeda. Ha ka ga iman caagadaha aad biyaha kusii qaadatay, waraaqo, baco ama qashin kale oo ka soo hadhay wax aad goobta ku adeegsatay. Ha taaban sawirrada hana u dhowaan in ka badan inta loogu talo galay. Xitaa ku neegsashadaadu uma wanaagsana. Ha ka qaadin dhulka dhagax meel ku dhegsan, hana ka goyinin dhirta dhulka ku taal.

Ha ku qiijin sigaar, hana ku shidan dab, haddaad cabtana ka ilaali halka aad ku tuurayso in aanu keenin dab qabsada aagga si lama filaan ah. Waxa aad had iyo jeer ku dedaashaa in aad raacdo dawyada loo asteeyay booqashada oo ka ilaali in cagtaadu waddo cusub ka dhex furto aagga booqashada.

HCC

___________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waana cilmibaadhe ku hawlan dhaqanka iyo saameynta togan ee uu ku yeelan karo hormarka. Waxa laga la xidhiidhi karaa twitter.com/JamaMusse.

Ka eeg degelka internetka ee laasgeelcaves.com warbixin joogtaysan oo ku saabsan guud ahaan dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan goobta Dalxiiska Farshaxanka Dhagaxkuyaalka ee Laasgeel.