Shiinaha iyo Soomaaliya oo isla qaatay Heshiis Somaliland ka dhan ah

Hargeysa (Aftahannews)- Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa isla qaatay heshiis ka dhan ah Somaliland, kaasi oo ah in Ciidamo isku dhaf ah ka sameeyaan Biyaha Bada Cas.

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay roondo wadajir ah ka sameeyaan badda cas.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in heshiiskaasi uu yahay mid toos ah oo ka dhashay xidhiidhkii laba geesoodka ahaa ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Heshiiskaasi ayay Somaliland ka maqan tahay iyadoo aan laga talo galin.

Sidoo kale, Ilo-wareedyo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Biixi iyo xubno kooban oo ka tirsan golihiisa wasiirrada lagu soo koobay heshiiska u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Shiinaha iyo Soomaaliya labaduba waxay dhalleeceeyeen xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland taasi oo ay sheegeen inuu xadgudub ku yahay qaranimadooda iyo wadajirka dhulkooda.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, oo mar uu khudbad ka jeediyay Xaflad ay ku qalinjebinayeen ciidamad ka tirsan Booliska ayaa ka hadley mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay ciidamo isku dhaf ah laga sameeyo Biyaha Bada Cas.

Waxaanu madaxweyne Muuse Biixi sheegay in aanay Somaliland marnaba aqbalayn Ciidamo aan laga talo-gelin, isla markaana amniga Bada iyo beriga Somaliland ay ku filan tahay.

Ma cadda in Somaliland ay dejisay istiraatiijiyad lagaga hortagayo ciidamada badda Shiinaha iyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaan cadayn in uu dhaqan gelayo iyadoo laga duulayo jawiga siyaasadeed ee kacsan.