Somaliland oo Macdan qodis ka bilaabaysa deegaano ka mid ah Saylac

Saylac (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay hawlo macdan qodis ah ka bilaabaysa deegaano ka tirsan magaalada Saylac.

Arintan macdan baadhista ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee xukuumadu ka biloowdo deegaanada xeebaha galbeedka.

Wefti balaadhan oo u hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa maanta gaadhay magaalada Saylac.

Madax dhaqameedka, waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Saylac ee deegaanada kale ayaa soo dhaweeyay sahminta iyo Macdan baadhista ay xukuumadu ka bilaabayso deegaankaasi iyagoo ballan qaaday inay la shaqayn doonaan wasaaradda.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay inay deegaanka Cabdiqaadir iyo nawaaxigiisa ka bilaabi doonaan baadhitaan lagu samayn doono khayraadka dhulkaasi si looga faa’iidaysto.