Askari ka tirsan Puntland oo Dad Shacab ah ku dhaawacay Garoowe

Garoowe (Aftahannews) – Saddex qof oo shacab ah, ayaa ku dhaawacmay markii askari katirsan ciiddanka amniga maamulka Puntland uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ka mudaharadayay sare u kaca dollarka iyo maciishadaha.

Dadkan ayaa iskugu soo baxay fagaaraha barxadda Gowe waxayna doonayeen inay dareenkooda ku muujiyaan, balse ciiddanka amniga ayaa rasaas ku kala eryay, taaso keentay rasaastii uu furay mid kamid ah askartu ay haleeshay saddex haween ah.

Dadweyne ka cadhaysan falkan ayaa kadib is hor dhoobay xarunta saldhigga dhex ee Garoowe, iyagoo dalbaday in lasoo xidho askariga rasaasta ku furay shacabka lana marsiiyo cadaalada waxay ka qabto.

Puntland, sarifka dollarka ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay abid. Halkii dollar ayaa lagu sarifayaa in ka badan 40,000 shilin Soomaali ah, sidoo kale boqolkii dollar ayaa lagu sarifayaa afar malyuun iyo dheeraad.

Markii uu talada maamulka Puntland la wareegay madaxweyne Deni wuxuu dollarku marayay 36kun oo shilin Somali ah. Dadku waxay filayeen in isbedel uu imaandoono. Balse sare u kaca dollarka ayaa weli kor u socda.

Sare u kacan, waxaa loo aanaynayaa lacago shilin Soomaaliga oo maamulkii hore uu daabacday, taasoo keentay sicir barar xoogan.